Muqdisho:(SONNA)-Kuuriyada Waqooyi ayaa waxa ay qarxisay xafiis kaladhaxeeyay Koonfurta oo ku yaallay meel u dhaw magaalada xadka ku taal ee Kaesong, waxaa sidaasi sheegay saraakiisha Kuuriyada Koonfureed.
Dhanka kale waxaa xaqiijiyay tilaabadda Kuuriyadda Waqooyi qaaday Xukuumadda Kuuriyada Koonfureed.
Tallaabada ayaa waxa ay imaanaysaa saacado uun kaddib markii Waqooyigu uu soo cusboonaysiiyay hanjabaaddiisa ah inuu Koonfurta ka qaadi doono tallaabo milateri.
Goobta oo ka tirsan dhulka Waqooyiga ayaa waxaa la furay 2018 si ay uga caawiso labada Kuuriya inay xiriir isgaarsiineed yeeshaan. Xafiiskan labada dal ka dhaxeeyay ayaanay cidina joogin tan iyo bishii Janaayo xayiraadaha Covid-19 awadii.