Muqdisho:(SONNA0-Wasaaradda Gargaarka iyo Maareyn musiibooyinka DFS ayaa manta tababar
u furtay shaqaale iyo qubaro loogu tala galay in ay ka shaqeeyaan xarumaha bixiya digniinta musiibooyinka ee heer Federal iyo heer Dowlad gobaleed.
Tababarka oo ay bixinayaan qubaro ku taqasustay maareynta musiibooyinka ayaa
waxaa ka qeyb galaya oo ka faaโiideysana qubarada loogu tala galay in ay sii
tababaraan shaqaalaha ka shaqeyn doona xarumaha ka diga Halis-wadareedyada ee
heer Dowlad Gobaleed iyo heer Dowladda Federal-ka ah.
Ilaa 20 ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda iyo la taliyaasha ayaa ka faaโiideysana
casharrada tababarkan oo socon doona muddo seddex cisho
Tababarista shaqaalaha ayaa qeyb ka ahayd heshiis seddex geesood ahaa oo
dhawaan ay kala saxiixdeen Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka
DFS, Barnaamijka cuntada u qaabilsan qm ee WFP iyo heyโadda sacuudiga laga
leeyahay ee King-Salmaan Foundation.
Heshiiskan ย ayaa dhigayay in dhammaan Dowlada Gobaleedyadad dalka ย iyo
Maamulka Gobalka Banaadir loo sameeyo xarumo sii faaqida halis-wadareedyada,
isla markaasinaย bixiya digniinaha ka hor inta aanay qatartu soodhawaan.
Sameynta xarumaha ka sii digo qataraha ayaa door muuqdaย ka cayaari doonaan in
la xakameeyo qasaaraha ka dhasha musiibooyinka soo noq noqda ee dalka ka
dhaca sida abaaraha, fatahaadaha iyo duufaannada.
Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka xukuumadda
soomaaliya ayaa furay tabarka isagoo sheegay iyo abuurista iyo kobcinta xarumaha
ka sii diga halis-wadareedyada ay u sahleyso DFS in ay awood u yeelato in ay ka
jwaabto, yareyso isla markaana maareyso Musiibooyinka
โWaa guul kale oo ay gaartay Dowladda Soomaaliya taas oo horseedi doonta in
xarunta ka sii digta musiibooyinka ay howl gasho ka hor inta aanay dhammaan
Juun, in Dowladda Soomaaliya ay la soo wareegto nidaamka digniinaha
musiibooyinka oo hadda ku jira gacmo heyโado ajnabi ah ay tahay arrin sii
xoojineysa madax-bannaanida Soomaaliya mana la sii sugi karo in nidaamkaasi ka
sii maqnaado gacanta Dowladda Soomaaliya.โ Ayuu yiri Xamsa Saciid Xamsa,
Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya.