Muqdisho:(SONNA)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabelele Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa kulan dhinaca qadka Internet-ka ah la qaatay Xubno ka tirsan Wakiilada Beesha Caalamka ee ku sugan Soomaaliya.
Qoraalka ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu sheegay inay fududeyeen Kulankaan dhex-marey Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Xubnaha Beesha Caalamka.
“Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay ku faraxsan tahay in ay fududeyso kulan dhex maray Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Ware iyo saaxiibada caalamka ee Soomaaliya, kulankaas oo looga hadlay arrimo badan oo Muhiim u ah dalka.ayaa lagu yiri qaraalka qaramada midoobay.
Qodobada looga hadlay Kulanka hab muqaalka ay yeesheen ayaa waxaa looga hadlay arrimaha cudurka Covid-19, qorsheynta nidaam doorasho oo ah ‘hal qof iyo hal cod,’ amniga iyo arrimo kale uu quseeya maamulka Hirshaneelle.
Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa haatan ku sugan Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraanisaga oo hal