Laba askari oo ku dhimatay shil diyaaradeed oo ka dhacay Israa’iil

La wadaag cid kale

Tel aviv-(SONNA)-Laba askari ayaa geeriyootay mid kalena dhaawac ayaa soo gaaray markii ay bur-burtay diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo ay lahaayeen ciidanka cirka ee Isra’il.

Diyaaraddan ayaa ku bur-burtay aroornimadii hore ee saakay xeebta degmada Xayfa ee badda Mediterranean-ka, xilli ay ku guda jirtay duullimaad tababar ah, sida ay sheegeen miilatariga Yuhuudda.

La wadaag cid kale