Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Xuska 65-sano guurada xornimada Soomaaliya oo Sucuudiga lagu qabtay
    July 1, 2025
    Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS oo dalka Spain kaga qayb galay shirka 4-aad ee maalgelinta horumarinta
    July 1, 2025
    MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA QEYBGALAY XUSKA MAALINTA XORIYADDA IYO MIDNIMADA DALKA
    July 1, 2025
    Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljika dahsoon
    July 1, 2025
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo xuska 1-da luulyo la dabaal-degay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Tanzania
    July 1, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
    Kulan la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda Israel iyo Iran oo ka dhacaya Geneva
    June 20, 2025
    Israel oo duqeysay goobo muhiim ah oo ku yaalla Iran
    June 13, 2025
    Israa’iil oo duqeymo ka geysatay koonfurta Lubnan
    June 6, 2025
    Xamaas oo muujisay in aysan ku qanacsaneyn qorshaha Maraykanka ee Gaza
    May 30, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska 27-ka June ee Maalinta Xoriyadda Jabuuti
    June 27, 2025
    26-ka juun “Curashadii Maandeeq”
    June 26, 2025
    Madaxweyne Xasan oo Goob Joog u noqday dhammaadka Sahminta Badda Soomaaliya (WARBIXIN)
    June 14, 2025
    ‘Safarka Dalxiiska iyo Nabadda ee Halyeeyada’ (WARBIXIN)
    May 28, 2025
    ‘Macawisleyda gobolka Hiiraan oo muujiyey Dhabar adeeg iyo Geesinimo (WARBIXIN)
    May 24, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Guddiga isku-xirka hirgelinta siyaasadda qaran ee Teknolojiyada oo hawl-billaabay xilli baahi weyn loo qabo
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Guddiga isku-xirka hirgelinta siyaasadda qaran ee Teknolojiyada oo hawl-billaabay xilli baahi weyn loo qabo
Wararka

Guddiga isku-xirka hirgelinta siyaasadda qaran ee Teknolojiyada oo hawl-billaabay xilli baahi weyn loo qabo

By Aadan Sooyaal
Last updated: April 25, 2020
2 Min Read
Share
Muqdisho,(SONNA) -Guddiga Isku-xirka Qaran ee Hirgelinta Siyaasadda Qaran ee Isgaarsiinta & Teknolojiyada ayaa yeeshay kulankoodii ugu horreeyay, iyagoo ka wada hadlay sidii ay hawlahooda u billaabi lahaayeen, iyadoo laga faa’iideysanayo farsamada casriga ah.

Guddigan ayaa ka kooban wakiillo ka socda wasaaradaha Boostada & Isgaarsiinta (Guddoonka), Qorsheynta, Maaliyadda, Arrimaha Gudaha, Warfaafinta, Bankiga Dhexe, Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, iyo Xafiiska Ra’iisul-wasaaraha. Hase yeeshee, waxaa qorshaha ku jira in la qabto kulamo kuwan ka ballaaran oo ay ka soo qeyb galayaan dhammaan daneeyeyaasha kala duwan ee ay Siyaasaddani saameynta ku leedahay.

Mas’uuliyiinta Wasaaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada (WBIT) oo ugu horreyntii ka hadlay kulanka oo ku dhacay qaab online ah ayaa xubnaha Guddiga u dul-maray ujeeddooyinka Siyaasaddan Qaran iyo qorshaha loo dajiyay sidii loo fulin lahaa. Wasaaradda ayaa sidoo kale soo bandhigtay waajibaadka shaqo ee Guddiga, taas oo ay xubnaha si buuxda u ansixiyeen.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, oo kulankaas uga qeyb galay qaabka fogaan-aragga, ayaa kula dardaarmay xubnaha Guddiga inay xil weyn iska saaraan sidii siyaasaddan loo fulin lahaa maadaama ay ahmiyad weyn u leedahay dalka, iyadoo soo koobeysa sida teknolojiyada loogu adeegsan karo qeybaha kala duwan ee nolosha.

“Mid ka mid ah casharrada ugu waaweyn ee Coronavirus uu na baray waa inaan teknolojiyada u isticmaalno qeybo badan oo nolosha ka mid ah sida kulamada, waxbarashada, taasna way sii socon doontaa xitaa haddii COVID-19 uu na dhaafo,” ayuu yiri wasiirka oo intaasi ku daray in waxyaabaha siyaasaddan ku xusani ay maanta ka muhiimsan yihiin maalintii la qorayay.

Fulinta siyaasaddan ayaa ku soo aadeysa xilli baahi weyn loo qabo in teknolojiyada loo adeegsado qeybaha kala duwan ee nolosha, gaar ahaan qeybaha ay siyaasaddani qorshaha u dajisay ee kala ah: ganacsiga, waxbarashada, caafimaadka, beeraha, kobcinta xirafadaha, iyo adeegyada dawladda

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Xuska 65-sano guurada xornimada Soomaaliya oo Sucuudiga lagu qabtay

Riyad (SONNA): Ergada Soomaaliya ee fadhida Isbahaysiga Ciidamada Wadamada Islaamka ee La-dagaalanka Argagixisada (IMCTC) ee…

July 1, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Afhayeenka ATMIS oo ka hadlay ka bixitaanka ciidamada ATMIS ee Madaxtooyada Qaranka

Muqdisho (SONNA):- Ciidamada Hawlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya ee loo yaqaan (ATMIS), ayaa 16 Sano ka dib…

GudahaWararka
December 17, 2023

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo tababar u furay wariyeyaal ka kala socda qeybaha Warbaaahinta kuwo kalena u soo xirey+sawirro

Muqdisho(SONNA) Munaasabadan oo isugu jirtay furitaanka tababar aqoon kororsi ah iyo xiritaanka isla tababar kale oo kaasi lamid ah  loogunatalagay…

Wararka
December 7, 2019

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo kulan la qaatay Hoggaanada Ciidanka

Muqdisho(SONNA):-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa maanta kulan looga hadlayay dardar galinta howlgallada la qaatay hoggaannada…

GudahaWararka
June 15, 2024

Madaxweyne Farmaajo oo hambalyada ciiddul fidriga u diray shacabka Soomaaliyeed

Muqdisho (SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay dhammaan Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan…

GudahaWararka
May 12, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023