Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan-doceed kula yeeshay Bagdaad dhiggiisa Masar
    May 16, 2025
    Nairobi oo lagu soo gaba-gabeeyay shir u dhexeeyay Hey’adaha Maaliyadda Soomaaliya iyo Hey’adda Lacagta Adduunka
    May 15, 2025
    Dardar-gelinta Maalgashiga Warshadaha Soomaaliya 
    May 15, 2025
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qeyb galay shirka Wasiirrada arrimaha Dibada ee Golaha Jaamacadda Carabta
    May 15, 2025
    Wasiirka Amniga Gudaha XFS ayaa ka qeyb galay shir muhiim ah oo ka dhacay xafiiska la-taliyaha Amniga Qaranka
    May 15, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweynaha Mareykanka oo gaaray dalka Sacuudiga
    May 13, 2025
    PKK oo ku dhaqaaqday soo afjaridda collaad 40 sano kala dhaxeysay Turkiga
    May 12, 2025
    Putin oo soo jeediyay in Rashia iyo Ukraine ay kulan toos ah ku yeeshaan Istanbul
    May 11, 2025
    Xiisadda u dhaxeysa India iyo Pakistan oo sii kordheysa
    May 9, 2025
    Dadka Gaza oo wajahaya macluul daran & dhimasho joogto ah
    May 4, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska 15-ka May ee Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed
    May 15, 2025
    Sahmintii Shidaalka oo heer gabagabo ah soo gaaray (WARBIXIN)
    May 6, 2025
    Xuska 3-da May ee Maalinta Xoriyadda Saxaafadda
    May 3, 2025
    Is-diiwaangali, si aad u hesho xuquuqdaada Codbixinta ee Dastuuriga ah (WARBIXIN)
    April 30, 2025
    Turkiga iyo Soomaaliya oo qalinka ku duugay heshiis Shidaal baaris ah (WARBIXIN)
    April 26, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
    Wasiirka Cadaaladda oo qeyb galay furitaanka Tartanka Wacyigelinta Nabadda iyo Isdhexgalka Dhalinyarada Gobolka Banaadir
    February 17, 2025
    Danjiraha Soomaaliya ee Uganda oo casho sharaf  ku maamuustay ciyaartoyda 17-jirada ah
    December 28, 2024
    Safaaradda Soomaaliya ee Uganda oo dhiirrigelisay xulka Qaranka ee 17-jirada
    December 24, 2024
    Danjiraha JFS ee Uganda oo casho sharaf ku maamuustay ciyaartoyda xulka Qaranka ee da’doodu ka yar tahay 17 sano,
    December 23, 2024
Reading: Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo shir guddoomiyay kulan muhiim ah, khudbadna ka jeediyay
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo shir guddoomiyay kulan muhiim ah, khudbadna ka jeediyay
Wararka

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo shir guddoomiyay kulan muhiim ah, khudbadna ka jeediyay

By Aadan Sooyaal
Last updated: April 22, 2020
6 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA)- Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa shir guddoomiyay kulanka billaha ah ee FGC oo markii ugu horesay loo qabtay habka online ah, iyadoo ay jirto caqabadaha xanuun ka COVID-19.

Kulanka ayaa looga ka dooday sidii loo horumarin lahaa arrimaha dhaqaalaha, iyadoo lagu guda jiro xiligaan adag ee Adduunka oo dhan uu saameeyay Coronavirus.

Wasiir Beyle ayaa xusay inay ka go’antahay hagaajinta hannaanka Dowlad-Wanaaga.

HALKAN KA AKHRISO KHUDBADII UU SHIRKA KA JEEDIYAY

Khudbada Mudane. Dr. Abdirahman D. Beileh

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Federaalka Soomaaliya 

Shirka Agaasimaha Guud ee IMF, Wasiiradda Maaliyadda iyo Guddoomiyeyaasha Bangiga Dhexe ee dalalka MENAP

Ka hortaga safmareenka Covid-19 ee Bariga Dhexe iyo Bartamaha Aasiya: U kuurgalida Dhaqaalaha Gobolka

Marwo, Kristalina Georgieva, Agaasimaha Guud, ee IMF, Guddoomiyeyaasha Bangiga sharafta leh, Mudanayaal iyo Marwooyin,

Sharaf weyn ayay ii tahay in aan ka qeyb-galo kulankaan taariikhiga ah ee dhanka khadka internet-ka ah (Video teleconference), kaas oo diiradda lagu saaray arrinta hadda taagan oo ah cudurka Covid-19. Waxaan doonayaa in aan fursadaan uga faa’iideysto in aan kaaga mahadceliyo Marwo, Agaasimaha Guud, ee IMF iyo hawlwadeenada hawlkarka ah taageeradaada aan kala go`a lahayn ee aad la garab taagan tihiin dhammaan dalalka xubnaha ka ah Hey’adda IMF,si gaar ah dalalka aadka u nugul si ay u yareeyaan waxyeelada saameynta leh ee Corona Fayras.

Waxaan sidoo kale doonayaa in aan u mahadceliyo anniga oo  adiga kuu sii marinaya dhammaan dalalka qaybta ka ah Sanduuqa Lacagta ee sida wanaagsan uga jawaabay baaqeennii deyn cafinta, iyada oo dhammaan Hey’addaha Maaliyadda dunida oo ay IMF ku jirto  iyaga oo lacagtooda adeegsanaya Soomaaliya siiyeen fursad ay horay ugu socon karto kaddib geedi socod dheer oo guul ku dhammaaday kaas oo ay dusha ka hageysay nidaamka la socodka shaqaalaha ee Hey’adda IMF (Staff Monitoring Program).

Soomaaliya waxay wajaheysa caqabad, sida dunida kale, oo la tacaaleysa cudurka Covid-19. Waxa uu cudurku saameeyay dalkeenna iyo dadkeenna dhinacyo kala duwan kuwaas oo halis ku ah hormarkeenna dhaqaale, si gaar ah, caafimaadka iyo qaab nololeedka inta ugu jilicsan bulshada.

Dowladda  Federaalka Soomaaliya, sida dalalka kale ee xubnaha ka ah Hey’adda IMF waxay mudnaanta koowaad siisay nabadgalayda iyo badqabka dadkeeda iyada oo dhaqangalisay siyaasado lagu xakameynayo dhaqdhaqaaqa isla markaana lagu lagu yareynayo faafitaanka cudurkaan dilaaga ah. Taasi waxay saameyn weyn ku yeelatay dhaqaalaha. Waxyaabaha ugu muhiimsan waxaa ka mid ah:

  • Wax soo saarkii oo hoos u dhacay maadaama uu yaraaday waxyaabaha la soo saaro iyo adeegyada taas oo sidoo kale keentay in ay yaraato canshuurtii laga heli jiray wax soo saarkaas.
  • Waxaa hoos u dhac ku yimid alaabadii iyo adeegyadii dibadda laga keeni jiray taas oo keentay in uu yaraado dakhligii soo gali jiray furdooyinka (Customs) iyo canshuurtii baddeecada dibadda laga keeno.
  • Shaqo la’aanta oo korortay gaar ahaan kuwa ka shaqeeya dhaqaalaha aan rasmiga ahayn, waxayna taageeridda dadkaas jilicsan u baahan tahay tallaabooyin ay dowladda Federaalku qaaddo.
  • Lacagta xawilaadaha ayaa kaalin weyn ka ciyaara dhaqaalaha Soomaaliya waana tirade ugu badan ee qoysaska iyo shakhsiyaadka Soomaaliya ku nool ay ku tiirsan yihiin. Dhibaatada shaqo la’aan ee uu sababay cudurkaan Covid 19 iyo hoos u dhaca dhaqaalaha ee dunida ayaa saameeyay shaqada qurbo joogta, taas oo hoos u dhigtay kaalmadoodii.

Arrinta xawilaadaha iyo soo dirista lacagta dibadaha ee Soomaaliya waxaa mar kale sii adkeeyay jiritaan la’aanta ah in uusan jirin nidaam bangi oo wakiilo dibbada uga ah xawilaadaha Soomaalida oo u fududeeyo kala gudbinta lacagahooda ganacsiga ee dibadda iyo gudaha Soomaaliya (Correspondent Banking). Waqtigaan oo duulimaadyaadii dunida la xadiday, dhaqdhaqaaqiina uu yaryahay way ku adag tahay shirkadaha xawilaadaha Soomaalida iyo ganacsadatadaba in ay dhaqaalahooda socod siiyaan si ay u maalgaliyaan hawlaha muhiimka u ah dhaqaalaha calaamka . Tani waxay dhaawaceysa dhaqaalaha Soomaaliya.

Sida ku cad waxyaabaha aan soo sheegay cudurka safmarka ah ee Covid 19 waxa uu Soomaaliya u saameeyay si aan horay loo arag. Sida dalalka kale, waxaan wajaheynyaa xaalad aan kala caddeyn, waxaa se naga go`an in aa sii wadno iskaashiga dadkeenna, bahwadaagta caalamiga ah iyo Hey’adaha Maaliyadeed ee dunida si aan u xaqiijino  dhimista  saameeynta waxyeello ee cudurka Corona, innaga oo qorsheynayna mustaqbal kawanaagsan iyo deganaasho ka badan midkaan.

Sidaas darteed, waxaan si dhow u la shaqeyneynaa hawlwadeenada IMF ee Soomaaliya si loo soo afjaro saameynta guud ee cudurka Corona uu ku yeeshay Miisaaniyadda sannadka 2020-2021. Taasi waxay si sax in noogu sheegi doontaa halka aan taaganahay dhaqaale ahaan iyo waxa aan u baahanahay si aan horay ugu soconno.

Marwo Maamulaha Guud, Kristalina Georgieva, ee IMF, waxaan mar labaad, kaaga mahadcelinayaa taageeradaada joogtada ah iyo waliba hoggaamintaada dhiirran xilligaan lagu jiro waqtiga adag.Waa hubanti, in aan kuu ognahay dadaalkaaga, waana ku garab taaganahay.

Waa mahadsan tihiin.

DHAMMAAD

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan-doceed kula yeeshay Bagdaad dhiggiisa Masar

Baghdad(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Khamiis ah…

May 16, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo kulan la yeeshay Danjiraha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Muqdisho (SONNA) Wasiirka Gaashaandhiga Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta waxaan kulan miro dhal ah la qaatay danjiraha…

GudahaWararka
March 12, 2023

Wasiirka Caafimaadka XFS oo la kulmay Madaxa hay’adda Boqor salman

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Ali Haji Adam ayaa Magaalada Riyaad ee caasimadda dalka Sacuudiga…

GudahaWararka
February 22, 2023

Wasaaradda Boostada oo soo bandhigtay sida looga faa’iideysan karo teknolojiyada xilliga xayiraadda Coronavirus

Muqdisho (SONNA)-Iyadoo la tixgelinayo saameynta uu cudurka Coronavirus ku yeeshay hannaankii shaqo iyo nololeed ee dalkeena iyo go’aamadii ka soo…

Wararka
April 2, 2020

Nuxurka khudbadii madaxweynaha JFS uu ka horjeediyay Golaha Shacabka Soomaaliya

Muqdisho- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khudbad ka horjeediyay golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ka dib…

Wararka
August 15, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023