Brussels(SONNA) Mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee magaalada Brussels ee dalka Belgiumka ayaa sharaxaad ka bixiyay taariikhda alla ha u naxriistee raiisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen Nuur Cade oo dhawaan ku geeriyooday Dalka Ingiriiska.
Ali Mohamed ABUKAR (Ali Wolf)ย ahna La-taliyaha Koowaad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Brussels (Belgium)ย ayaa si faah faahsan uga hadlay taariikh nololeedka raiisul wasaarihii hore ee Soomaaliya marxuum Nuur Xasan Xuseen(Nuur Cade).
Halkan hoos ka akhriso taariikh nololeedkiisaย qoraal ka soo baxay safaaradda Soomaaliya ee Dalka Belgiumka.ย
ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ุจุณู ุงููู ุงูุฑุญู ู ุงูุฑุญูู
ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย TACSI
Anigooย ah Ali Mohamed ABUKAR (Ali Wolf)ย ahna La-taliyaha Koowaad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Brussels (Belgium)ย oo ku hadlaya magaceyga iyo magaca Safaaraddaba waxaan halkaan ugu tacsiyadeynayaa maanta oo Arbaca ah, Taariikhduna tahay 01/04/2020 dhammaan Ummadda Somaaliyeed meelwalboo ay ku sugan yihiin, geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Ilaahey ha u naxariistee Danjire Nuur Xasan Xusseen โNuur Caddeโ oo uu maanta Allah ku oofsaday isbitaal ku yaalla magaalada London (UK) isagoo u geeriyooday cudurka adduunyada ku faafay ee loo yaqaano Coronavirus oo uu muddo todobaad ka badan ugu jiray isbitaalkaas.
Marxuum Danjire Nuur Cadde, wuxuu ku dhashay magaalada Moqdisho, dalka Soomaaliya, sannadkii 1938.
Wuxuu ahaa Masโuul jagoojin sare oo kala duwan u soo qabtay dalkiisa iyo dadkiisa.
Sidaas darted, waxaan u daayay dadka kale ee iiga sii xogoggaalsan taariikh nololeedkiisa wixii ka horreeyay intuusan noqon Safiirkii ugu horreeyay ee dib loogu soo magacaabo Safaarada hoos ku qoran.
Run ahaantii, Marxuumku wuxuu ku guuleystay inuu dib u furo Xafiisyadii Safaaradaha Soomaaliya ee Roma iyo Brussels oo muddu 20 sano ku dhaw aad ah lbaabada leyskugu dhiftay. Waxaana soo magacaabay Dowladdii Ku-meelgaarka ahayd ee Madaxweyne ย ย ย Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Marxuumku wuxuu muddo 4 sano ah (Sebtember 2009ย ilaa iyoย Sebtember 2013) isku haayay Safaaradda Talyaaniga iyo Safaaradda Beljamka isagoo isla markaasna ahaa Madaxa Ergeyada Dibloomaasiyiinta Soomaaliyeed ee Midowga Yurub.
Allaha u naxariistee, wuxuu ahaa shakhsi , islaweynin aan ku jirin, aad u karti badan, hal abuur leh, dadaal badan, aragti dheer adkeysigiisuna aad u badan yahay.
Run ahaantii, waxaan kaloo lagamamaarmaan inaan xuso waxyaabihii aan ka dhaxlay oo aan la soo koobi Karin sida dulqaadka faraha badan,ย waayaargnimadiisa dhaxalgalka ah, foojignaantiisa joogtada ah, neceebka qabyaaladda iyo hoggaaminta tuusan iwm
Marxuumku wuxuu ka baxay Kuliyadda Sharciga oo ka tirsan Jaamacadda Ummadda Soomaaliya iyo Academiyaal sarsare oo dalka dibaddiisa ah, wuxuuna si fiican ugu hadli jiray afafka Soomaaliga, Talyaaniga iyo Ingiriiska.
ุงูุง ููู ูุงูุง ุงููู ุฑุงุฌุนูู.
Waxaan marxuumka Allah uga baryayaa inuu qabrigiisa waasic uga dhigo, u iftiimiyo una udgooneeyo. Sidoo kale waxaan ugu doceynayaa inuu Allah Suโaasha iyo siraadkana u fududeeyo, dambigiisa cafiyo Jannadiisa Firdowsana ka waraabiyo.
Waxaan kaloo u rajeynayaa Ummadda Soomaaliyeed meelwalbo ay joogaanย inuu Allah samir iyo iiman suubban ka siiyo, gaar ahaan Xaaskiisa, Caruurtiisa,ย Qaraabdiisa iyo Assaxaabtiisa.
Ugu dambeyntii, waxaan ka codsanayaa dhammaan cid allaale ciddiiย ay wadashaqeyn dhex martay Marxuum Nuur Xassan Xussein inuu iska cafiyo una doceeyo, Ajir iyo Xasanaad aan la soo koobi Karin Allahaย ka siiyee.
Ali Mohamed ABUKAR
La-taliyaha Koowaad ahna Sii-hayaha