Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta Biraha Shubka
    November 8, 2025
    RW Ku-xigeenka “Maalgelinta cimiladu ma aha sadaqo, ee waa iskaashi loogu talagalay isbeddel iyo xalal-waara.”
    November 8, 2025
    Golaha Shacabka oo ansixiyay hindise sharciyeedka hannaanka lacag bixinta Qaranka
    November 8, 2025
    Wasiirka Arrimaha Dibadda oo WFP kala hadlay Isuduwidda Howlaha Gargaarka
    November 8, 2025
    Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qaybgalay shirka Wasiirrada dalxiiska Qaaradda Afrika
    November 8, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)
    October 31, 2025
    Dib-u-kabasho iyo tubta horumarka
    October 21, 2025
    Tiigsigii wuu taabbo-galayaa
    October 20, 2025
    Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe
    October 14, 2025
    Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya
    October 12, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: Ciidamada Danab oo burburiyay saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen Jubbada Hoose
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Ciidamada Danab oo burburiyay saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen Jubbada Hoose
WararkaWargayska

Ciidamada Danab oo burburiyay saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen Jubbada Hoose

By Ruush Abdullahi
Last updated: March 23, 2020
2 Min Read
Share

Kismaayo(SONNA)–Ciidamada Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa burburiyay saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen Jubbada Hoose.

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo iyo duqeymo is barbar socday oo saacadihii la soo dhaafay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee komaandooska xoogga dalka ay ka fuliyeen deegaano hoos yimaada gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta dalka Soomaaliya.

Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyay ciidamada sida gaarka u tababaran ee Danab iyo diyaaradaha Mareykanka, iyadoo lala beegsaday saldhigyo maleeshiyaadka argagxisada ah ee Al-Shabaab ay ku lahaayeen qeybo ka mid ah gobolkaasi.

Taliyaha ururka shanaad ee ciidamada Danab, Xasan Maxamed Aadan (Ciraaqi) ayaa faah faahin ka bixiyey weeraradaasi lala beegsada kooxda Alqaacida ee dhibaatada ku haya shacabka Soomaaliyeed , wuxuuna sheegay inay ku burburiyeen ilaa seddex saldhig oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan maleeshiyada argagixisada ah.

Taliye Xasan Ciraaqi ayaa tilmaamay in saldhigga koowaad ee cagta la mariyay uu ku yaallay tuulada Buulo Xaaji, halka kan labada ee kale ay argagxisada Al-Shabaab ku lahayeen tuulada lagta Caanoole oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Taliyaha ayaa intaasi ku daray inay gabi ahaan la wareegeen saldhigyadaasi, islamarkaana ay haatan ka wadaan baaritaano dheeraad ah si ay uga bixinayaan miinooyinka ay maleeshiyadu ku aaseen.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in howlgalkaan iyo duqeynta barbar socotay lagu burburiyey labo gaari oo kala ahaa Toyotoa Succeed iyo Suzuki oo uu tilmaamay in ay la socdeen saraakiil sar sare oo ka tirsanaa kooxda nabadiidka ah Al-Shabaab, islamarkaana ay ku jireen kuwa ajaaniib ah.

Ciidamada kumaandooska ah ee xoogga dalka ayaa maalmihii ugu dambeeyey xoojiyey dhaq dhaqaaqyada milatari ee ay ka wadaan gobollada Jubbooyinka iyo Shabeelada Hoose, si looga xureeyo cadowga ummadda Soomaaliyeed.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta Biraha Shubka

Muqdisho,(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya ahmiyadda ay leedahay…

November 8, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo abaalmarin guddoonsiiyay qaar ka mid ah shaqaalaha xafiiskiisa

Muqdisho (SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa galabta abaalmarin guddoonsiiyay qaar ka mid ah shaqaalaha xafiiska…

GudahaWararka
December 31, 2022

Wasiirka Amniga & Taliye Sulub oo maanta la Ciiday Caruurta Agoonta Boliiska Soomaaliyeed

Muqdisho (SONNA):- Wasiirka Amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya  S/Guuto Sulub Axmed…

Gudaha
April 11, 2024

Agaasimaha cusub ee isbitalka Madiina oo munaasabad soo dhaweyn loo sameeyey+sawirro

Muqdisho(SONNA) Munaasabad lagu dhiirogelinayay laguna soo dhaweynayay maamulka cusub ee dhawaan loo magacabay isbitalka Madiina ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.…

GudahaWararka
August 12, 2020

Danjire Guulwade Oo Laga Aqbalay Is-Casilaadiisa Xubinnimada Guddiga Wadahadallada DFS iyo Somaliland

Muqdisho (SONNA) Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay caddeynaysaa in Danjire Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) uu iska casilay xubinnimadii Guddiga Qaran…

Wararka
January 22, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023