Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    La kulan Hirarka Badda Baraawe iyo da’yar soo dabtay quudka maalintiisa
    May 12, 2026
    SoDMA oo gargaar raashin ah u qaybisay 2,000 oo qoys oo ku sugan Baardheere
    May 12, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qeyb galay shir madaxeedka Afrika
    May 11, 2026
    Tirinta cododka Doorashooyinka K/Galbeed oo la soo geba-gebeeyay
    May 11, 2026
    Wasiirka Arimaha Dibadda oo Nairobi uga qaybgalay shir madaxeedka Africa Forward
    May 11, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Madaxweyne Xasan Sh. Maanta waxa uu nooga baahan yahay hiil:(WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Madaxweyne Xasan Sh. Maanta waxa uu nooga baahan yahay hiil:(WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Madaxweyne Xasan Sh. Maanta waxa uu nooga baahan yahay hiil:(WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: August 30, 2023
6 Min Read
Share

Hadal heyntii beryahaanba la isla dhex marayay ayuu shalay soo Af jaray  Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Dhuusamareeb u jooga hoggaaminta dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta ayaa farriin u diray ciidanka xoogga dalka iyo ciidamada deegaanka, taas oo ku aadan inay sii xoojiyaan gulufka ay dhabarka uga jabinayaan Argagixisada, wuxuuna ciidanka dareensiiyey inay dagaalka ka soo bilaabeen dhul boqolaal Km ka fog degmooyinka iyo deegaanada todobaadkii hore la xoreeyey, haatana Khawaarijtu ay marayaan maalmihii noloshooda ugu xumeed, ayna dhawdahay waqtigii guusha weyn laga gaari lahaa.

Madaxweynuhu waxa uu ka hadlay dagaalkii u dambeeyey ee ka dhacay deegaanka Cawsaweyne ee hoos tagta Degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, kaasi oo Khawaarijtu dicaayad been ah ka sameysay, isagoo xusay in sida dhabta ah la ogaaday in 190 ka tirsan Khawaarijta dagaalkaasi lagu dilay, Maleeshiyaadkoodana ay xabaal wadareed ku wada aastay, dhaawacoodiina ay sii dhameystireen ama dileen, maadamaa aysan heysan goob caafimaad ama isbitaal ay ku daweeyaan dhaawacyadooda, isagoo balaln qaaday in dowladdu ay dib u baari doonto xawaal-wadareedyada ay ka sameeyeen Goobaha ay hadda gacanta ku hayaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul istaagay in la gaaray xilligii la xisaabtanka kuwa la siiyay awoodda dowladnimada ee mas’uuliyadooda khiyaamay ama ka gaabiyay inay xilkooda si hufan u gutaan.“Kuwa ka shaqeynaya inay ciidanka taswiish galiyaan ogaada waa Shabaab” ayuu yiri Madaxweynaha JFS, wuxuuna intaasi sii raaciyay in dowladda ay ka go’antahay ciribtirka Khawaarijta. “Dagaalku waa soconayaa ma istaagayo, meelaha aan joogno kama soo noqonayno, guusha kama dambaysta ah ee aan raadineyno aan gaaraynaa” ayuu yiri Madaxweyne Xasaan Sheekh, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed  ugu baaqay inay u midoobaan dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta oo ay ciidanka ku garab istaagaan xoog iyo xoolaba, si loo dhiirrigaliyo ciidanka, loogana guuleysto cadowga ragaadiyay horumarka dalka.

Khudbad soo af-jartay propogando Malaayiin Dollar ku baxday, taasi oo  ka dhan aheyd dagaalka aan kula jirno Khawaarijta ayna maal-galinteeda iska kaashadeen Khawaarijta iyo Siyaasiyiin Arxan-laawayaal ah.Dhamaanteen waxaa noo dhahan hadalka Madaxweynaha, waayo 95% Shabaab waan u bur-burinan xag Ciidan,Dhaqaale, inta deegaan ay heystaan waa wax ka yar .5% waxayna ku soo hartay wax lagu qoro  Facebook propogando lagu fidiyo, nagamana difaaci doonto insh allah, marka waa in aan dhameystirno Khawaarijta Gabalkoodu dhacay.

Dhinaca kale Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya  ayaa mar kale ku celisay digniin ku aadan faafinta dicaayadda Khawaarijta oo an ogsoonahay inuu jab badani ka soo gaaray furimaha dagaalka, iyadoo Wasiir ku xigeenka Wasaaraddaasi mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala oo shir jaraa’id ku qabtay Dhuusamareeb ayuu si adag uga hadlay dadka faafinaya fariimaha marin habaabinta ah ee ku saabsan dagaalka dowladdu kula jirto Khawaarijta, isagoo xusay in dadkaasi qaarkood ay si ula kac ah u faafinayaan dicaayadda Argagixisada, taasi oo uu ku tilmaamay fal dambiyeed dowladdu kula xisaabtamayso cid walba oo ku kacda.

Wasiir ku xigeenka Al-cadaala ayaa xusay in hawlgalka Khawaarijta looga sifaynayo Galmudug uusan waxba iska badalin, islamarkaana uu ku socdo sidii dowladdu u qorsheysay, waxa uu ugu hambalyeeyay ciidanka xoogga dalka, daraawiishta Galmudug iyo ciidamada deegaankaba guulaha waaweyn ee ay todobaadyadii ugu dambeeyey ka soo hooyeen furimaha dagaalka.

Horjooge Nuur-deeq Cabdulaahi Maalinguur oo ugu sareeyey Khawaarijta joogta gobolka Mudug ayaa shalay isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo daraawiishta Galmudug. Horjoogahaan oo watay gaari nooca raaxada ah iyo Qori AK-47 ah ayaa ka yimid duurka deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug, waxaana hadda lagu hayaa degmada Wisil.

Wasiirka arrimaha gudaha Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya Mudane  Axmed Macalin Fiqi, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cagaweyne, Saraakiil Ciidan iyo Mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug ayaa ku sugnaa goobtii shalay lagu soo bandhigay horjoogaha, waxayna Isi soo dhiibidda horjoogahan ay muujinaysa sida kooxda Khawaarijta ah ay u sii tabar yaraanayso, islamarkaana horjoogayaashoodii ay u kala baxsanayaan sidii ay isugu soo dhiibi lahaayeen Dowladda Soomaaliya, si ay u galaan gacan ammaan ah, islamarkaana laga nabad galo shartooda, iyaguna ay nabad galaan naf ahaantooda.

Annaga hiil buu naga rabaa inteenna bannaanka ka joogta furinta dagaalka, dagaal Al-shabaab dhexdhexaad kama noqon karno sidii siyaasadda wadamada dunida ku dhaqmaan, waana dagaal guushiisa ay harsan ama ay ku naaloon doonaan jiilalka dambe. Madaxweynuhu Dadka uu shaqada u dirsaday hiil buu uga baahan yahay, waana inay si hufan waajibaadkooda u gutaan, wax la taaban karana ku biiriyaan howlgallada socda. Madaxweynaha naftiisa hiil bay uga baahan tahay oo waqti wax lagu qiimeeyo waa joogaa xafiiska ee hortiisa iyo hareerihiisa ha eego. Qofkii shaqadiisa ka soo dhalaalay abaal marin buu mudan yahay, kuwii dayacayna la xisaabtankooda ayaa looga fadhiyaa, marka waxaan leenahay Madaxweynaha  maalin uu hiil uga baahi badan yahay, maanta ma jirto ee Soomaaliyeey aan Madaxweynaheenna u hiillinno.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

La kulan Hirarka Badda Baraawe iyo da’yar soo dabtay quudka maalintiisa

Xeebta magaalada Barawe ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa subaxnimadii maanta noqotay mid ku kulmisay nolol…

May 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wafdiga uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka degmada Garbahaarey ee Gobolka Gado

Garbahaarey (SONNA):-Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa kulamo la qaatay…

GudahaWararka
December 22, 2024

SODMA oo shixnad gargaar ah gaarsiiyey Diinsoor

Muqdisho(SONNA):'-Hay'adda Maareynta Musiiboyinka (SoDMA), ayaa saakay laba diyaarad oo sida shixnad gargaar ah u dirtay degmada Diinsoor ee gobolka Baay…

GudahaWararka
October 30, 2024

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday Shacabkii ku dhaawacmay Qaraxii Liido

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Dr Cali Xaaji Aadam ayaa Isbitaalada Erdogen iyo Madiina ku booqday…

GudahaWararka
August 3, 2024

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO FARXADDA CIIDDA LA QAATAY CARUURTA SHUHADADA CIIDANKA XOOGGA DALKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta farxadda Munaasabadda Ciidul fidriga la qaatay qaar ka mid caruurta…

GudahaWararka
April 10, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023