Berlin-(SONNA)-Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada Soomaaliya , Sadiiq Xersi Warfaa ayaa qaabbiley madaxa iskaashiga horumarinta Safaaradda Jarmalka ee Soomaaliya, Marius Rauh.
Labada masโuul ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka Taariikhda dheer ee ay Soomaaliya iyo Jarmalka ka leeyihiin dhinacyada iskaashiga farsamada, waxbarashada, xirfadaha iyo tababarrada.
“Waxbarashada xirfadaha waa waddada aan ku dooneyno in aan ku gaarno is beddel xagga shaqo la’aanta Dhallinyarada ah, hadda Dugsiyada farsamada ayaa dib loo howlgallinayaa Gobollada iyo caasimadda Muqdisho” ayuu yiri wasiir Saddiiq Warfaa.
Wasiirka ayaa intaa ku daray in ka wasaarad ahaan ay dedaal ku bixinyeen sidii waaxyaha xirfadaha iyo tababarrada (TVET)ย ay u qaadan lahayd door la arki karo, isagoo Dowladda Jarmalka uga mahadceliyay sida ay uga go’antahay taageerada ay siiso Dowladda iyo Bulshada Soomaaliyeed.
Dowladda Jarmalka, waxay ka taageeraysa wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada Soomaaliya , sidii lagu horumarin lahaa xirfadaha iyo tababarrada, iyadoo kooxdii u horreysay oo ka tirsan waaxda xirfadaha iyo tababbarada (TVET) dhowaan loo qaadi doono Dalka dibeddiisa , si kor loogu qaado khibraddooda.
Sidoo kale , waxaa dhowaan dib loo howlgallin doonaa Dugsiyada farsamada Gacanta ee ku yaalla caasimadda Muqdisho iyo Dowlad-gobolleedyada Dalka.