Muqdisho (SONNA)-Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xildhibaan Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa khudbad ka jeediyay shirka Dhismaha iyo Guryeynta Soomaaliya oo maalintii labaad ka socda magaalada Muqdisho.
โMarwalba oo aan arko dhisme socda waan ku farxaa, Maxaa yeelay waxaan ogahay in ay boqollaal dad ahi ay ka shaqa-geli doonaan waana shaqo abuur saameyn horumarineed ku yeelanaya qoysaska howl wadeennada dhismahaโayuu yiri wasiir warfaa.
โHorumarinta hantida maguurtada ah ee Soomaaliya waxaa ay haysaa dhabihii saxda ahaa ee abuurida jawi casri ah, hufan, ammaan ah iyo deegaan wacan oo aysan kaliya ujeeddadu ahayn kor u qaadida bilicda waddanka balse waxaa dheer iney garab socoto shaqooyin la abuuro. Runtii madashani waa mid mudan in la amaano waxaana jeclaan lahaa shakhsi ahaan inaan u mahadceliyo shaqsi kasta oo arrintan ku lug leh,โ ayuu yiri.
Wasiir Sadiq Warfa ayaa caddeeyay dadaallada ugu badan inay ku bixinayaan sidii shaqooyin loogu abuuri lahaa dhallinyarada Soomaaliyeed, arrintaan ayuuna sheegay inay door weyn ka qaadanayso maalgashiga.
โMaalgashiga shaqaalaha Soomaaliya oo ah waddan ka soo kabanaya dagaallo sokeeye waxay yareyn doontaa inaan ku laabano coladdii. Markaa Madalkasto oo horumarineed sida tan hadda aan joogno ee horumarinta guryeynta iyo dhismaha waxay yeelan kartaa saameyn bulsheed iyo mid siyaasadeed oo weyn. Maal-gashadeyaasha ugu horreeya ee waddanka ma la kulmayaan tartan adag oo dhanka ganacsiga ah maxaa yeelay tartameyaasha ayaa yar. waxayna heli doonaan waxa loogu yeero faaโiidada-saanqaad hore. Qadar yar oo lacag ah ayaa Soomaaliya si weyn ugu abaabuli karta dib u soo celinta haybadeeni luntayโ.
โSi aan u muujino sida ay nooga goโantahay in aan shaqooyin u abuurno dhallinyarada una siino tababbaro xirfadeed, waxaan u qoondaynay oo aan wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada dhawaan kusoo kordhinay Waaxda tababbarada farsamada gacanta si ay u hormariso una meelayso xirfadaha aan hiigsaneyno ee ku habboon dhallinyaradeenna si ay u noqdaan xirfadlayaal qeyb ka noqda horumarka dhaqaalaha iyo dib u dhiska dhulkeenna Hooyo,โ ayuu ku daray wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.
Gabagabadii, wuxuu sheegay Ganacsatada guryaha ka ganacsata inay ka faaโiideystaan kobaca magaalooyinka Soomaaliya oo ka mid ah waddamada ugu xawaareynta badan adduunka dhanka magaaleynta. Dadka ku nool magaalooyinka Soomaaliya waxaa lagu qiyaasaa 6.45 milyan oo qof, oo ka dhigeysa 45% tirada guud ee shacabka.