Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Dowladda Soomaliya oo war ka soo saartay warbixintii Amnesty International ee xoriyadda hadalka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Dowladda Soomaliya oo war ka soo saartay warbixintii Amnesty International ee xoriyadda hadalka
Wararka

Dowladda Soomaliya oo war ka soo saartay warbixintii Amnesty International ee xoriyadda hadalka

By Aadan Sooyaal
Last updated: February 13, 2020
2 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bayaan ay soo saartay oo nuqul kamid ahna uu soo gaaray Wakaaladda wararaka (SONNA) si kulul uga hadashey warbixin ay soo saartay Hay’adda Amnesty International oo ku saabsanaa in ay jiraan xadgudubyo ka dhan ah xoriyadda hadalka ee Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay si buuxda uga warqabto mas’uuliyadeheeda ee ku aadan xuquuqda uu leeyahay qofka muwaadinka ah,ayna u taagantahay in la ilaaliyo xoriyadda hadalka iyo midda shaqsiyadeed.

“Waxaa ina soo gaaray qoraal ka soo baxay Hay’adda Amnesty International,oo ka hadlaya arrimo la xiriira xadgudub ka dhan ah xoriyadda hadalka,dowladda Soomaaliya waxay si buuxda uga warqabtaa mas’uuliyadeheeda ee ku aadan in xuquuqda uu leeyahay qofka muwaadinka ah,ayna u taagantahay in la ilaaliyo xoriyadda hadalka iyo midda shaqsiyadeed”. ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ay soo saartay dowladda Soomaaliya.

War-saxaafadeedkan ay soo saartay wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in warbixinta Amnesty ay tahay mid la buun-buuniyay iyo been abuur,iyadoo xustay in ay tahay qorshe magan geliyo raadis dadal reer Yurub iyo dano kale oo gaar ah oo laga leeyahaya.

Sidoo kale ma jiraan cadeymo loo haayo in eedeynta loo jeedinayo dowladda Soomaaliya ee ah xadgudbyada suxufiyiinta,balse arrintan ay u muuqato arrin la siyaasadeeyay,oo ahdaaf gaar ah laga damacsanaa,sidaasi darteedina ay dowladdu si adag u beeninayso warkaasi ay soo saartay Amnesty International.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xustay in ay xaqiijinayso xoriyadda iyo xuquuqda uu leeyahay muwaadin kasta,isla markaana ay qeyb ka tahay xoriyadda saxaafadda,waxaana ay dowladdu intaasi ku dartay in dalka uu mamnuuc ka yahay ficilkasta oo dhaawici kara xuquuqda muwaadinka iyo xoriyatul qowlka.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 17aad ee Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Baarlamaanka dalka oo bilaabaya ka doodista cutubyada Dastuurka

Muqdisho (SONNA): Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cali Shacbaan Ibraahim oo…

GudahaWararka
January 30, 2024

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫 shaqada 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫 𝐤𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐨𝐪𝐨𝐫𝐭𝐨𝐨𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐚𝐜𝐮𝐮𝐝𝐢𝐠𝐚

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Hon.Yusuf Mohamed Adan oo safar shaqo ku jooga magaalada Riyadh…

GudahaWararka
May 6, 2025

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kormeeray deegaanka Sumadaale, si loo dardargeliyo dagaalka Khawaarijta

Jowhar (SONNA); Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo wado dardargelinta iyo abaabulka howlgalka dabar-goynta Khawaarijta ayaa…

GudahaWararka
April 15, 2025

Ururka dhalinyarada Hirshabeelle oo ku howllan dayactirka  biya xireenada wabiga

Ururka dhalinyarada hirshabeele ayaa Sheegay in ay ku howlanyan yihiin dayactirka biyo xereenada looga hortagaayo fataahadaha wabiga Shabeele  ee ku…

Wararka
January 14, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023