Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Safiirka Soomaaliya ee Aaljeeriya oo la kulmay wasiir dowlaha arrimaha dibadda dalkaas
    July 1, 2025
    Soomaaliya iyo Tanzania oo horumarinaya iskaashiga ka dhexeeya 
    July 1, 2025
    Xuska 65-sano guurada xornimada Soomaaliya oo Sucuudiga lagu qabtay
    July 1, 2025
    Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS oo dalka Spain kaga qayb galay shirka 4-aad ee maalgelinta horumarinta
    July 1, 2025
    MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA QEYBGALAY XUSKA MAALINTA XORIYADDA IYO MIDNIMADA DALKA
    July 1, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
    Kulan la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda Israel iyo Iran oo ka dhacaya Geneva
    June 20, 2025
    Israel oo duqeysay goobo muhiim ah oo ku yaalla Iran
    June 13, 2025
    Israa’iil oo duqeymo ka geysatay koonfurta Lubnan
    June 6, 2025
    Xamaas oo muujisay in aysan ku qanacsaneyn qorshaha Maraykanka ee Gaza
    May 30, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska 27-ka June ee Maalinta Xoriyadda Jabuuti
    June 27, 2025
    26-ka juun “Curashadii Maandeeq”
    June 26, 2025
    Madaxweyne Xasan oo Goob Joog u noqday dhammaadka Sahminta Badda Soomaaliya (WARBIXIN)
    June 14, 2025
    ‘Safarka Dalxiiska iyo Nabadda ee Halyeeyada’ (WARBIXIN)
    May 28, 2025
    ‘Macawisleyda gobolka Hiiraan oo muujiyey Dhabar adeeg iyo Geesinimo (WARBIXIN)
    May 24, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Kulan Howleedka Astaynta Awoodaha oo lagu soo gaba gabeeyay Muqdisho “SAWIRRO”
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Kulan Howleedka Astaynta Awoodaha oo lagu soo gaba gabeeyay Muqdisho “SAWIRRO”
Wararka

Kulan Howleedka Astaynta Awoodaha oo lagu soo gaba gabeeyay Muqdisho “SAWIRRO”

By Sonna Whiteka
Last updated: February 9, 2020
2 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA) – Kulan howleedka shaqo ee astaynta awoodaha, kheyraad-wadaagga iyo nidaamka maaliyadeed ee Federaaleynta ee dib u-eegista dastuurka oo muddo 6 cisho ah ka socday magaalada muqdisho ayaa lagu soo gabagabeeyay waxaana ka soo qayb galay Wasaardaha kala duwan ee dowladda iyo khuburro caalami ah iyo kuwo Soomaali ah.

Muddadii uu socday kulan howleedkan shaqo waxa ay Wasaarad walba soo bandhigtay warbixinno ku saabsan awoodaha jira iyo sida loogu kala qaybiyo heer Federal iyo heer dowlad Goboleed, iyagoo kadibna lagala dooday waxa ay saldhig uga dhigeen soo jeedimahooda.

Muddadii uu socday kulankan shaqo waxaa warbixino ka soo jeediyay Wasaaradaha Boostada iyo Teknaloojiyadda, Xanaanada Xoolaha, Kalluumaysiga, Batroolka iyo Macdanta, Beeraha, Tamarta iyo biyaha, Caafimaadka, Waxbarashada, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka iyo Xuquuqul insaanka, Dekadaha iyo Gaadiidka badda, Ganacsiga iyo Warshadaha, Howlaha guud, Gaadiidka iyo Duulista hawada iyo kuwa kale, waxayna soo bandhigeen mowduucyada la xiriira astaynta awoodaha ee heeraka dowladda ee quseeya Wasaaradahooda.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka mudane Saalax Axmed Jaamac oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in Wasaaradda Dastuurku ay ka shaqaynayso in la helo aragti midaysan oo la xiriirta awood qaybsiga oo ah arrin masiiri ah oo u baahan in heshiis siyasadeed laga gaaro si loogu qoro dastuurka.

“Waa in laga heshiiyaa mabaadii’da galaysa dastuurka ee la xiriirta awood qaybsiga, Wasaarad kasta waxaan uga fadhinnaa in ay warbixin tifaftiran ka keento awoodaha jira iyo sida loogu kala qaybiyo heerarka dowladdaha Federaalka ah isla markaana tixgelinayna xaaladda dalkeena” ayuu yiri Wasiir Saalax.

Gabagadii waxaa la isla gartay in Wasaaraduhu ay soo gudbiyaan warbixinno dhamaystiran si loo helo aragtida dowladda ee la xiriirta awood qaybsiga si heshiis siyaasadeed looga gaaro.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Safiirka Soomaaliya ee Aaljeeriya oo la kulmay wasiir dowlaha arrimaha dibadda dalkaas

Aljeris (SONNA): Safiirka dowlada Soomaaliya u fadhiya dalka Aljeeriya Danjire Yusuf Axmed Xasan( Yusuf Jeego)…

July 1, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiir Khadiija Makhsuumi oo qaabishay Madaxa Ilaalinta xuquuqda Aadanaha ee hawlgalka UNTMIS)

Muqdisho (SONNA): Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo hormarinta xuquuql Insaanka dowladda FS  Khadija Maxamed Al-Makhsuumi ayaa maanta xafiiska ku qaabishay Kirsten…

GudahaWararka
January 8, 2025

Taliyaasha Booliska iyo Militariga oo ka qaybgalay furitaanka tababar ku saabsan Isgaarsiinta

Muqdisho (SONNA): Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Sulub…

GudahaWararka
July 24, 2024

R𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚, 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐜𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐆𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚𝐚𝐧𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐡𝐨𝐫𝐞

Muqdisho:(SONNA)- Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda…

GudahaWararka
April 6, 2025

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo xafiiskiisa kulan kula qaatay guddoomiyaha Gobolka Banaadir

Muqdisho, (SONNA): Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan kula…

GudahaWararka
January 9, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023