Jalalaqsi-(SONNA)-Afar Qof ayaa Cudurka Shuban-biyoodka ugu geeriyootay Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, halka tiro intaa ka badanna xaaladdooda caafimaad lagula tacaalayo Isbitaalka guud ee Degmada.
Guddoomiyaha Degmada Jalalaqsi, Maxamed Nuur Cagjoof ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in Saacadihii lasoo dhaafay uu Cudurku ka dillaacay gudaha Magaalada Jalalaqsi iyo degaanno hoos taga.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in Dawo ku filan bukaanka aysan oollin Isbitaalka , laga heli karin Cisbitaalka, isagoo ugu baaqay Wasaaradda Caafimaada ee Dowladda Federaalka in Dadkaasi loo fidiyo gurmad caafimaad oo deg-deg ah.
Mudane; Caga-joof ayaa sheegay in Dadka bukaanka ah ay xaaladdooda nololeed halis ku jirto qasaaruhuna uu intaa ka badan karo haddii aan sida ugu dhaqsiyaha badan wax loogu qaban.
ย