Ankara-(SONNA)-Wasiirka wasaaradda Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ee Soomaaliya, Xildhibaan; Xamza Saciid Xamza oo ku sugan Dalka Turkiga ayaa Isbitaallada ku booqdey Dadkii ku dhaawacmey qarixii ka dhacay Ex-Koontorool Afgooye ee Magaalada Muqdisho Dabayaaqadii 2019-kii.
Wasiirka iyo masโuuliyiinta la socday ayaa waxaa ay u kuurgaleen xaaladda iyo la tacaaliddooda guud ahaan dhaawacyada, kuwaas oo ku jira Isbitaal ku yaalla Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga.
Wasiirka ayaa waxa uu warbixin ka dhageysaty Dhaqaatiirta Gacanta ku haysa dhaawacyada,ย waxayna Alle uga baryeen in uu cafimaad buuxa ah siiyo.