Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 1, 2026
    Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka Qayb galay Furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika ee magaaladda Seoul
    June 1, 2026
    Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo ka mid noqday muwaadiniinta codkooda dhiibtay
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo ka mid noqday muwaadiniinta codkooda dhiibtay
GudahaWararka

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo ka mid noqday muwaadiniinta codkooda dhiibtay

By SB
Last updated: December 25, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa codkiisa doorashada Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir ka dhiibtay Degmada Kaaraan, isagoo muujiyay muhiimadda taariikhiga ah ee ay doorashadani u leedahay shacabka iyo mustaqbalka dowladnimo ee dalka.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in doorashadan ay tahay tallaabo dhab ah oo shacabka loogu soo celinayo awooddii go’aan-gaaridda, isla markaana ay gogol-xaar u tahay doorashooyinka guud ee Qaranka ee lagu saleeyay nidaamka qof iyo cod, oo ay dalka ugu dambaysay muddo ka badan nus qarni.

“Maanta waa maalin taariikhi ah oo shacabka Muqdisho dib loogu soo celiyay xuquuqdoodii dastuuriga ahayd. Codka uu muwaadinku dhiibanayo, waa aasaaska dowladnimo xooggan, nabad waarta iyo horumar la taaban karo.” ayuu yiri Dr. Muungaab.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale sheegay in nidaamkan cusub uu horseedayo barwaaqo, amni iyo xasillooni ka sii wanaagsan kuwa hadda jira, isaga oo xusay in horumarka amni iyo dowladnimo ee Caasimadda uu si muuqata u soo hagaagay saddexdii sano ee la soo dhaafay, markaas oo uu xafiiska yimid Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.

“Horumarka amni iyo nidaam ee aan maanta ku talaabsaneyno waa natiijo ka dhalatay hoggaaminta himilda leh ee Madaxweynaheenna iyo Xukuumadda Danqaran. Shacabka maanta safafka dheer galay waxay muujiyeen inay si cad u diidan yihiin ku noqoshada doorasho dadban iyo hirgalka damaca danleyda dib-u-socodka ah.” ayuu hadalkiisa ku daray.

Guddoomiyaha ayaa amaanay hawlwaldeennada heeganka ku jira iyo shacabka Gobolka Banaadir oo muujiyey iskaashiga lagu ilaalinayo; nabadda, amniga iyo bedqabka, xilli uu wadanku qorayo taariikh uu ku soo ceshanayo sumcaddiisii beri-samaadka. Isagoo carrabka ku adkeeyay in ka-qaybgalka ballaaran ee dadweynaha uu caddeyn u yahay taageerada buuxda ee dowladnimada Soomaaliya iyo rabitaanka isbeddel dimuqraadiyadeed oo waara.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay dhammaan muwaadiniinta inay sii xoojiyaan ka-qaybgalka geeddi-socodka dimuqraadiyadda, si loo xaqiijiyo mustaqbal ku dhisan cadaalad, nabad iyo horumar waara.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga

Muqdisho,(SONNA):- Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), oo kaashanaysa Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta iyo Akademiyada Goboleedka…

June 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Soomaaliya iyo Kuweit oo ka wada hadlay arrimo la xiriira maalgashiga+Sawirro

Kuweit city-(SONNA)-Wasiirka arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Mohammed Abdul Risaaq Mahmoud , ayaa dalka Kuweit kula kulmay Agaasimeyaal guud,…

GudahaWararka
October 21, 2021

Howgallo ka dhan ah khawaarijta oo laga fuliyay gobolka Bakool

Muqdisho(SONNA):-Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan guutada 9-aad qeybta 60-aad ayaa maanta howlgallo qorsheysan waxa ka sameeyeen deegaanno ka tirsan…

GudahaWararka
November 5, 2023

Ciidan ka tirsan Daraawiishta Koofur Galbeed oo tababar loogu soo xiray Baydhabo

Baydhabo (SONNA): Ra’iisul Wasaare kuxigeenka labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdisalam Cabdi Cali oo uu weheliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka…

GudahaWararka
March 5, 2025

MA DOONEYSAA ABAALMARIN GAAREEYSA ILAA $10 MILYAN OO DOLLAR?

Waxaa jira digniino ku aadan halista kooxda Khawaarijta ah ay mar walba la maagan yihiin shacbiga Soomaaliyeed, waxaana loo baahan…

GudahaMaqaalladaWararka
August 23, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023