Muqdisho(SONNA)- Koobka General Daa’uud ayaa todobaadkii la soo dhaafay lagu soo gabagabeeyay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, iyadoo ay koobka ku guuleysatay kooxda Horseed kaddib markii ay 3-2 ugu badisay naadiga Muqdisho City Club.
Kooxda Horseed ayaa markii lixaad ku guuleysatay dhacdada xiisaha badan ee Koobka General Daa’uud, iyadoo ay ugu dambeysay sanadkii 2015-kii.
Haddaba markii ay soo dhammaatay ciyaartii final-ka ee dhaxmartay kooxaha Horseed iyo Muqdisho City Club waxaa garoonka dhaxdiisa lagu bixiyay abaal-marino kala duwa kuwaas oo la siiyay shaqsiyaadkii waxqabadka muuqda soo bandhigay inta uu socday Tartanka General Daa’uud.
Abaal-marinta la bixiyay waxaa la siiyay xiddigaha kala ah Xasaasi, Saciid Yamani iyo Macallin Cabdi Joon oo isna ku guuleystay macalinka ugu fiican tartanka.
Saciid Yamani ayaa ku guuleystay Goolhayihii ugu fiican tartanka General Daa’uud kaddib markii uu ka saaciday kooxdiisa Moqdisho City Club inay sanadkii labaad oo xiriir ah ay gaarto final-ka Koobka General Daa’uud.