Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidamada Xoogga Dalka howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta
    June 7, 2025
    Guddoomiyaha SODMA oo Geneva kaga qayb galay madasha caalamiga Yareynta Khataraha iyo Musiibooyinka
    June 7, 2025
    Guddoomiyaha jannaale: Cadowga Khawaarijta waan dabar jaraynaa
    June 7, 2025
    Ciidanka daraawiishta Puntland oo burburiyey Talisyo khawaarijtu ku lahayd Togga Baallade
    June 6, 2025
    Guddoomiyaha aqalka sare iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dalka dib ugu soo laabtay
    June 6, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Israa’iil oo duqeymo ka geysatay koonfurta Lubnan
    June 6, 2025
    Xamaas oo muujisay in aysan ku qanacsaneyn qorshaha Maraykanka ee Gaza
    May 30, 2025
    Trump oo xannibay awoodda Jaamacadda Harvard ee diiwaangelinta ardayda caalamka
    May 23, 2025
    Shaqaale ka tirsan Safaaradda Israel oo Washington lagu dilay
    May 22, 2025
    Hawlgallo ka dhan ah Khawaarijta oo ka socda Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe
    May 20, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    ‘Safarka Dalxiiska iyo Nabadda ee Halyeeyada’ (WARBIXIN)
    May 28, 2025
    ‘Macawisleyda gobolka Hiiraan oo muujiyey Dhabar adeeg iyo Geesinimo (WARBIXIN)
    May 24, 2025
    “Janno Aakhira iyo Jiritaan Xornimo u Jahaad gala”
    May 21, 2025
    Xuska 15-ka May ee Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed
    May 15, 2025
    Sahmintii Shidaalka oo heer gabagabo ah soo gaaray (WARBIXIN)
    May 6, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Horudhac: Somalia vs Eritrea… (Xulkeenna qaranka oo galabta ciyaaraya kulan guul ama geeri ah)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Horudhac: Somalia vs Eritrea… (Xulkeenna qaranka oo galabta ciyaaraya kulan guul ama geeri ah)
CiyaarahaGudaha

Horudhac: Somalia vs Eritrea… (Xulkeenna qaranka oo galabta ciyaaraya kulan guul ama geeri ah)

By Aadan Sooyaal
Last updated: January 21, 2020
3 Min Read
Share

Lugogo(SONNA)-Xulkeenna qarka Soomaaliya ayaa ciyaari doona kulankoodii ugu dambeeyay ee heerka guruup-yada, iyagoo la dheeli doona xulka Eritrea, kulan qeyb ka ah tartanka bariga iyo bartamaha Afrika ee Cecafa Senior Challenge Cup.

Kulan ciyaareedkan ayaa ah mid aad u xiiso badan xulka qaranka Soomaaliya oo doonaya inuu u soo baxo wareegga xiga ee tartanka, halka Eritrea ay iyaguna doonayaan inay u soo gudbaan wareegga afar dhammaadka ama Semi-finalka tartanka.

Xulka qaranka Soomaaliya kulankii ugu dambeeyay waxa uu 1-0 ugu soo adkaaday xulka Burundi, halka Eritrea ay soo kala direen xulka Jabuuti, ciyaar ku dhammaatay 3-0.

Labadan Xul ayaa kuwada jira Guruup-ka A, waxaana ku wehliya xulalka kala ah; Jabuuti, Burundi iyo Uganda, waxaana Guruup-kan hoggaanka u haya xulka martigelinaya tartanka sanadkan ee Uganda oo leh 9-dhibcood, sidoo kale xulka Eritrea ayaa leh 6-dhibcood kuna jira kaalinta labaad, halka wiilasheenna Ocean Stars ay leeyihiin 4-dhibcood, waxayna ku taamayaan inay kala diraan xulka Eritrea si ay u xaqiijiyan u soo bixitaanka wareegga afar dhammaadka tartankan markoodii ugu horreysay taariikhda, inkastoo ay isha ku hayn doonaan xulka Jabuuti oo ay dhibcaha wadaagan.

Xulkeenna Soomaaliya waxaa qasab ku ah inay guul ka gaaraan Eritrea si ay ugu soo baxdo wareegga xiga, sidoo kalena Jabuuti ay ku hor kufto xulka Uganda, taasi waxa ay fursad wayn u tahay xulkeenna qaranka Soomaaliya oo markaas u soo bixi doona wareegga xiga ee tartanka bariga iyo bartamaha Afrika.

Sidoo kale, waxaa taagan sheeko kale haddii Soomaaliya ay 1-0 uga badiso Eritrea, balse ay Jabuuti dhiggeeda Uganda uga badiso 3-0, xulka qaranka Soomaaliya waa uu harayaa markaas, waxaana uu ku harayaa farqiga goolasha waaba haddii ay dhacdo.

Labadan xul ee Soomaaliya iyo Eritrea waxay hore isku soo arkeen labo kulan mid ka mid ah barobaro 0-0 ayey ku kala tageen, halka kulanka kale uu adkaaday xulka Eritrea, wuxuuna ku awood sheegtay 3-1, labadan kulan ayaa dhacay Sanadihii 2001 iyo 2009, midkaan galabta ayaana noqon doona midkii saddexaad oo labadaan kooxood dhex mara.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Bariga iyo bartamaha Afrika ee Cecafa Senior Challenge Cup

Taariikhda: Axad, 15 Dis 2019

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 1:30 Duhurnimo xilliga geeska Afrika.

Xulalka: Somalia vs Eritrea

Garoonka: KCCA Startimes

Naatiijada kulankan iyo wax waliba oo ku saabsan ciyaarta ay dheelayaan wiilasha waddankeenna Soomaaliya waan idiin soo gudbin doonnaa hadduu Eebbe idmo.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Ciidamada Xoogga Dalka howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

Muqdisho,(SONNA):- Horjoogeyaal kale oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday howlgal qorshaysan oo si…

June 7, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Muqdisho oo lagu soo gabagabeeyey Banbax diyaarinta Istiraatiijiyadda bahda Cadaaladda Soomaaliya

Muqdisho (SONNA):- Waxa maanta si guul leh noogu soo gabagaboobay Banbaxa diyaarinta Istiraatiijiyadda bahda Cadaaladda Soomaaliya waxaana soo xiray kulanka…

GudahaWararka
May 13, 2024

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqooonsiga ka guddoomay danjirayaal cusub

Muqdisho (SONNA): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjireyaal cusub oo ku soo…

GudahaWararka
January 30, 2025

Madxwayne Waare oo magacaabay 4 xubnood oo Hir/Shabeelle ku matalaya gudiyada doorashada heer faderaal

Dowlad goboleedka HirShabelle ayaa noqotay maamulkii u dambeeyey ee ku dhowaaqa liiska xubnaha ku metalaya guddiyada doorashada iyo xalinta khilaafaadka…

GudahaWararka
October 25, 2020

𝗗𝗶𝗴𝗻𝗶𝗶𝗻 𝗶𝘆𝗼 𝘁𝗮𝗹𝗮 𝗯𝗶𝘅𝗶𝗻 𝗸𝘂 𝗮𝗮𝗱𝗮𝗻 𝗿𝗼𝗼𝗯𝗮𝗯𝗸𝗮 𝘅𝗶𝗹𝗹𝗶𝗴𝗮 𝗚𝘂’𝗴𝗮 𝘀𝗮𝗻𝗮𝗱𝗸𝗮 𝟮𝟬𝟮𝟰

Muqdisho(SONNA):-Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA, ayaa maanta soo saartay 𝗱𝗶𝗴𝗻𝗶𝗶𝗻𝗼 𝗹𝗮 𝘅𝗮𝗿𝗶𝗶𝗿𝗮 𝗿𝗼𝗼𝗯𝗸𝗮 𝗴𝘂'𝗴𝗮 kaas oo la filayo…

GudahaWararka
April 1, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023