Waxaa furmay kalfadhigii 6-aad kulankiisa 23-aad ee golaha aqalka sare BFS Ajandaha waxa uu ahaa aqrinta 2-aad ee hindise sharciyeedka wax ka badalka xeerka Saxaafada.
Fadhigga waxaa ka qeyb galay Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta Mudane Aadan Isaaq, Agaasimaha guud Wasaaradda Warfaafinta iyo Agaasimayaal ka tirsan Wasaaradda warfaafinta Dowladda Soomaaliya.
kulanka waxaa shir gudoominayay gudoomiyaha golaha aqalka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi.
Senataradda ayaa qodobada qaar ka hadlay iyadoo guddoomiye Abshir Buqaari uu soo gudbiyay in qodobada qaar in wax lagu daro waxna laga dhimo kulanka ayaa hada toos u socda.