Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka
    January 10, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”
    January 10, 2026
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo cambaareeyay Aqoonsi beenaadka Israa’iil ee Somaliland
    January 10, 2026
    Dhallinyaro loo qabtay xirfado kor loogu qaadayo aqoontooda
    January 10, 2026
    Maxay ka wada hadleen Wasiirka Kalluumeysiga XFS iyo Safiirka Itoobiya?
    January 10, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Isbedello laga dareemayo ageegyada ay qabato Qunsuliyadda Soomaaliyeed ee Sucuudiga
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Isbedello laga dareemayo ageegyada ay qabato Qunsuliyadda Soomaaliyeed ee Sucuudiga
Wararka

Isbedello laga dareemayo ageegyada ay qabato Qunsuliyadda Soomaaliyeed ee Sucuudiga

By Aadan Sooyaal
Last updated: December 25, 2019
3 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA) Wadanka Boqortooyada Sucuudi Carabiya  waxaa uu kamid yahay wadamada inta badan ay ku nool yihiin Bulshada Soomaaliyeed,kuwaasi oo halkaasi ku haysto nolol qaabad kaladuwan leh,Wakaaladda(SONNA) ayaa waxbadan ka ogaatay macluumaadka ku saabsan habka muwaadiniinta Soomaaliyeed ay dalkaasi ugu nool yihiin.

Soomaalida dalkaasi kunool oo lagu qayaaso kummanaan qof,waxay dalkaasi ku galeen qaabad kala gedisan,qaar taahriiba,qaar sifo sharci ah ku tagay iyo kuwo muddo halkaasi deganaansho ku haysta,waxaana dhamaan ay yihiin kuwo u nool siyaabo kaladuwan,waxaana kamid ah kuwo ganacsato ah,qaar xirfado kala duwan leh,sida baabuur wadidda,shirkadaha ganacsi iyo meelo kale.

Qunsulka Guud ee Soomaaliya u jooga dalkaasi Sucuudiga Amba Ilyees Sheekh Cumar Abuubakar oo xog-wareysi la yeelatay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee (SONNA) ayaa u sheegay tani ay meesha ka saareyso aragti qaldan oo laga aaminsanaa in Soomaalida kunool dalkaasi ay la kulmaan oo kaliya dhibaatooyin,balse taasi dhanka kale marka laga fiiriyo Soomaalidu fursado aad u muhiimsan ay ka helaan wadankaasi.

Waxaa soo wehliya arrimahaasi dad Soomaaliyeed oo inta badan xabsiyada kujira,si ay cadaalada u helaanna,Qunsulka Guud ee Soomaaliya u fadhiya Sucuudiga Amba Ilyees Sheekh Cumar Abuubar ayaa markale (SONNA) u sheegay in ka diplomaasiyiin ahaan ay dadaal xoogan ugu jiraan sidii wax badan ay uga ogaan lahaayeen xaaladda maxaabiista ku xir xiran xabsiyada dalkaasi,iyagoo cadaalada u raadinaya hadii ay helaan muwadiniinta Soomaaliyeed oo xiran,iygoo kaashanaya hay’adaha dalkaasi oo ay wada shaqeyntu kala dhexeyso.

Dhanka kale Qunsuliyadda Soomaaliyeed ee Sucuudiga ayaa laga dareemayaa isbedel ballaaran marka laga hadlayo hawlaha u adeegista muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaasi ku dhaqan,ama kuwo hawlaha kala duwan dalkaaso ugu safrayo oo ay kujiraan Madaxda iyo shaqaalaha hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Howlwadeenada ayaa si firfircowni leh ugu adeega Bulshada,taasi oo bulshadu ay soo dhaweeyeen,arrinkaasi ayaana sii xoogeystay tan iyo markii mas’uuliyiinta Qunsuliyaddaasi oo uu ugu horeeyo Amb Ilyees Sheekh Cumar ay bilaabeen qorshayaal lagu dhiirogelinayo shaqaalaha howlkarka ah,iyadoo la abaalmarinayo shaqsi kasta oo dhanka Bulshada adeeg hufan u qabta.

Magaalooyinka Jiddah,Makka iyo Maddiina ayay inta badan kunool yihiin dadka Soomaaliyeed,inkastoo ay jiraan meelo kale oo Soomaalidu ay ku nooshahay,muwaadiniin Soomaaliyeed ayaa ka shaqeysa gaadiidka isaga kala goosha magaalooyinkaasi,iyadoo la marayo habka shuruucda iyo nidaamka shaqo ee dalkaasi u yaala.

Iskuxirka Safaaradaha Soomaalia ay ku leedahay wadamada Caalamka iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dunida ku kalanool waxay waxbadan ka taraysaa in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay helaan xuquuqaadka ay leeyihiin,si lamid ah bulshooyinka wadamada kale ka soo jeeda,haddii ay dhacdo xadgudubyo,handadaad,xariga iyo dhibaatooyinkale.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka

Muqdisho,(SONNA):- Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa maanta ku yeeshay magaalada…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Maamulka iyo Bulshada Degmada Buulo burte oo ka wada hadlay amniga iyo fatahaadda Webiga+Sawirro

Buulo-burte-(SONNA)-Maamulka, Saraakiisha Ciidamada, Odayaasha dhaqanka, hay’adaha sama falka  iyo Bulshada qaybaheeda kala duwan ee Degmada Buulo-burte ayaa ka wada hadlay…

WararkaWargayska
July 18, 2020

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la yeeshay qaar ka mid ah Culimaa’udiinka, Ururrada Bulshada iyo Ganacsatada Soomaaliyeed isagoo kala hadlay sidii gurmadka loo gaarsiin lahaa  dadka Soomaaliyeed ee abaartu hayso

Muqdisho(SONNA):-Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay qaar ka mid ah Culimaa’udiinka, Ururrada Bulshada iyo Ganacsatada…

GudahaWararka
February 7, 2022

Ra’iisal wasaare Xamse oo hadal ka jeediyey shirka Bangiga Horumarinta Afrika oo dalka Masar ka socda

Sharmalsheekh (SONNA); Ra’iisul wasaaraha xukuumadda FS mudane Xamsa Cabdi Barre oo khudbad ka jeediyey madasha shirka Sharma Al-sheekh ayaa si…

GudahaSawirroWararka
May 23, 2023

Hay’adaha dib u eegista dastuurka ee heer federaal oo maanta yeeshay kulankoodii koowaad

Muqdisho-(SONNA)-Maanta oo ay taariikhdu tahay 21.Maarso.2023, waxaa kulankoodii koowaad yeeshay hay’adaha dib-u-eegista Dastuurka ee heer federaal oo kala ah Wasaaradda…

GudahaWararka
March 21, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023