Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka waxbarashada iyo Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda oo kormeeray dhismaha Xarunta Gahayr
    June 9, 2026
    Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo Daah-furay Dib u habeynta Kaydka Radio Muqdisho
    June 9, 2026
    Bannaanbaxu waa xaq dastuuri ah, balse fowdo ma aha
    June 9, 2026
    War-saxaafadeed ku aadan Garsoore Cumar Cartan
    June 9, 2026
    Aqoon-isweydaarsiga Qaran ee Barnaamijka Xusuusta Dunida ee UNESCO oo la Soo Xiray
    June 8, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Bannaanbaxu waa xaq dastuuri ah, balse fowdo ma aha
    June 9, 2026
    Warbixin cusub oo ku saabsan Markabka qodista Ceelka Shidaalka ‘Curad’
    June 3, 2026
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda FS oo qeyb galay xuska 11-sano guurada dib u hawlgelinta Isbitaalka Digfeer
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda FS oo qeyb galay xuska 11-sano guurada dib u hawlgelinta Isbitaalka Digfeer
GudahaWararka

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda FS oo qeyb galay xuska 11-sano guurada dib u hawlgelinta Isbitaalka Digfeer

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: November 12, 2024
4 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA): Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federalka Soomaaliya oo uu ugu horeeyo wasiirka Caafimaadka dowladda FS Dr. Cali Xaaji, Xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale ayaa xalay magaalada Muqdisho uga qeyb galay munaasabada xuska 11-sano guuradii ka soo wareegtay markii dib loo hawlgeliyay isbitaalka Recep Dayib Erdogan Ex Digfeer.

Wasiirka Caafimaadka oo ka hadlay munaasabadda ayaa dowladda Turkiga uga mahadceliyay iney burburkii dalka ka dib in Soomaaliya ay ka taageertay dib u soo celinta iyo howlgelinta isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho oo baahi weyn loo qabay.

Wasiirka ayaa sidoo kale uga mahadceliyey maamulka iyo shaqaalaha Isbitaalka sida naxariista iyo wanaagga leh ay uga shaqeeyaan bukaanada isbitaalka soo booqda isaga oo ku booriyay iney shaqadooda sii laba jibaaraan.

Waxaa sidookale halkaas ka hadlay Xildhibaan Cabdiraxmaan Moobleen oo si guud uga mahadceliyay maamulka Isbitaalka iyo shaqaalaha isaga oo xusay Isbitaalka uu yahay mid wax badan u qabtay shacabka Soomaaliyeed ee la taala dhacaya xanuunada kala duwan waxaana uu u mahadceliyay dowladda Turkiga oo isbitaalka taageerta.

Gudoomiyaha ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed Dr Luul Maxamed Maxamud ayaa dhankeeda xustay in Isbitaalka Erdogan ka hor ineysan jirin adeegyo badan oo caafimaad oo dalka u baahnaa balse hadda uu soo kordhiyay, waxaana maamulka Isbitaalka ay ku amaantay soo kordhinta adeegyo caafimaad oo dadka ay u baahan yihiin kuwaa oo kamid ah qaliimada furan ee wadnaha.

Intaas kadib maamulaha Guud ee isbitaalka Dr Ertan Kayacan oo u dhashay dalka Turkiga ayaa xusay in marwalba uu Isbitaalka u taagan yahay sidii uu u dabooli lahaa baahiyaha caafimaad ee dadka Soomaaliyeed isaga oo xusay iney sii kordhin doonaan.

Ugu dambeyntii agaasimaha Isbitaalka Racep Dayib Erdogan Maxmed Xuseen (Ashraf) ayaa u mahadceliyay wasaaradaha caafimaadka Soomaaliya iyo Turkiga ee sida hagar la’aanta ah ula shaqeeya Isbitaalka kana taageera dhinacyada qalabka, daawada iyo caafimaadka iyo waliba Tababarrada.

Agaasime Maxamed Asharaf ayaa ka hadlay qaar kamid ah waxqabadyada ugu waaweyn ee Isbitaalka iyo adeegyada uu soo kordhiyay “ Wax weyn ayey nooga dhigantahay u qidmeynta shacabka Soomaaliyeed iyadoo Isbitaalka uu ku talllaabsaday horumaro kala duwan inagoo soo kordhinay qaabilaadda Bukaanada ee Habeenki (Bukaan socodka) qaliimo casri ah oo horay loogu aadi jiray dalka Dibadiisa iyo waliba qaliinka wadnaha furan oo markii ugu horeysay aan dalka ka hergelinay”

Agaasimaha Isbitaalka ayaa sidoo kale sheegay in dad kala duwan oo xaalado caafimaad oo aad u liita qabay in dalka Dibadiisa gaar ahaan dalka Turkiga in loo qaaday si bilaash ah islamarkaana hadda xaaladooda caafimaad ay soo hagaageyso isaga oo xusay iney sii laba jibaari doonaan shaqadan waxaana uu u mahadceliyay Dhakhatiirta, kalkaalisoyinka iyo waliba shaqaalaha kala duwan ee Isbitaalka Recep Dayib Ordogan.

Gabagaadii munaasabadda xuska 11-sano guuradii kasoo wareegatay markii dib loo howlgeliyay isbitaalka Digfeer waxaa la abaalmarinay qaar kamid ah shaqaalaha Isbitaalka oo isugu jira waaxyahiisa kala duwan kuwaa oo lagu dhiirogelinayay shaqo wanaag ay la imaadeen.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka waxbarashada iyo Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda oo kormeeray dhismaha Xarunta Gahayr

Muqdisho (SONNA): Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo Guddoomiyaha…

June 9, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

 Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Madaxweynaha Turkiga

MadaxweynahaJamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo Jimco ah magaalada Istanbul kula kulmay Madaxweynaha dalka Turkiga Recep…

Gudaha
January 7, 2023

Golaha Shacabka oo ansixiyay hindise sharciyeedka ilaalinta naafada

Muqdisho-(SONNA)-Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta golaha shacabka,waxaana kulanka shir guddoomineysay guddoomiye…

GudahaWararka
July 31, 2024

Ciidanka xoogga dalka oo howlgallo ka sameeyay koofurta Mudug

Gaalkacyo-(SONNA)-Ciidamada Xoogga Dalka, Daraawiishta Galmudug iyo kuwa deegaanka ayaa saaka howlgal qorshaysan ka fuliyay dhulka miyiga ah ee u dhaxeeya…

GudahaWararka
September 5, 2023

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo uga hambaliyeeyay Ciidanka Booliska sanad-guuradii 80-aad

Muqdisho (SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay munaasabad loogu dabaaldagayay sanad-guuradii 80-aad…

GudahaWararka
December 20, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023