Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddiga Wada-hadallada DF iyo Golaha Mustaqbal oo la kulmay Bulshada Rayidka
    January 31, 2026
    Ra’iisul wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya
    January 31, 2026
    Soomaaliya oo Ka Qayb gashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Hindiya iyo Carabta
    January 31, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir kula qaatay magaalada Jigjiga Madaxda Gobolka
    January 31, 2026
    Madaxweynaha JFS oo si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Jigjiga
    January 31, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo gabdho suxufiyiin ah tababar ugu soo xirey Muqdisho +sawirro
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo gabdho suxufiyiin ah tababar ugu soo xirey Muqdisho +sawirro
Wararka

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo gabdho suxufiyiin ah tababar ugu soo xirey Muqdisho +sawirro

By Aadan Sooyaal
Last updated: December 18, 2019
3 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA) Munaasabad tababar loogu soo xirayay gabdho suxufiyiin ah oo gaaraya ilaa 15 lana barayay sidii xirfadohoodi suxufinimo kor loogu qaadi lahaa sida barashada Kaamirada/Warbaahinta Casriga ah iyo Sheegista Sheekooyinka (Digital Media and Storytelling) ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho,waxaana ka qeybgalay wasiir ku-xigeenka wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska mudane Aadan Isxaaq Cali iyo masโ€™uuliyiin kale oo katirsan wasaaradda oo uu kamid yahay agaasimaha waaxda Qorsheynta ee Wasaaradad C/raxmaan Axmed.

Tababarkan ayaa waxaa uu gabdhahaasi suxufiyiinta ah u socday muddo 10 maalmood ah,iyadoo ay iska kaashadeen (Ururka SWJ iyo safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya)waxaana fududeysay warbaahinta (Hornconnect).

dhamaan mas’uuliyiintii ka hadashey munaasabada ayaa ku bogaadiyay gabdhahaasi sida ay uga go’antahay in kaalintoodi ay ka qaataan howlaha warbaahineed ee dalka,waxaana kamid ahaa Abdirashid Mohamed Siraj
Maamulaha Hornconnect,Duniyo Maxamed Carshaan oo ka socotay bulshada Rayidka, iyo danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Donald Y.Yamamoto.

Guddoomiyaha Ururka SWJ oo ah urur ay ku middeysan yihiin suxufiyiin haween ah Farxiyo Maxamed Khayre oo goobtaasi ka hadashey ayaa sheegtay in gabdhaha suxufiyiinta ah ay wax badan kaga fursad badan yihiin ragga marka loo fiiriyo in la helo macluumaad rasmi ah oo ku saabsan nolosha haweenka Soomaaliyeed iyo xaaladohooda guud ahaaneediyo daruufaha ku gedaaman intuba,iyadoo ku dhiirogelisay gabdhaha tababarkaasi loo soo xirey in ay ka mirro dhaliyaan himilooyinka ay hiigsanayaan.

Mr Jon oo kamid ah Mas’uuliyiinta safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo tababarkan taageerayey ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin inay arkaan gabdho saxafiyiin ah oo lagu tababaray warbaahinta la iska arko, isagoo intaas ku daray in ay rajeynayaan gabdhahaan in aqoontii la baray ay isbadel ku keeni doonto xirfadooda.

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Aadan Isxaaq Cali oo tababarkaasi soo xirey ayaa kula dardaarmay gabdhahaasi suxufiyiinta ah in ay ku dadaalaan sidii xirfaddii ay barteen ay ugu adeegi lahaayeen bulshadooda.

Wuxuu sidoo kale Wasiir Aadan uga mahadceliyay safaaradda Mareykanka dowrkii ay ka qaadatay qabsoomidda tababarkani oo hindisihiisu ay lahaayeen Ururka suxufiyiinta haweenka ee (SWJ )

Marka laga hadlayo howlaha Warbaahineed ee dalka sanadihii ugu dambeeyey waxaa sii kordhayay dowrka gabdhaha Soomaaliyeed ay ku leeyihiin arrimahaasi,iyadoo tababaradan oo kale ay dhiirogelinayaan gabdhaha niyad ahaan iyo shaqo ahaan intuba.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddiga Wada-hadallada DF iyo Golaha Mustaqbal oo la kulmay Bulshada Rayidka

Muqdisho,(SONNA):- Waxaa maanta kulan wadatashi iyo xog-wareysi ah isugu yimid Guddiyada wadahallada ee Dowladda Federaalka…

January 31, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

War Deg Deg: Qarax ka dhacay Magaalada Kismaayo

Muqdisho (SONNA) Kooxaha argagaxisada ayaa caawa fiidkii la beegsadeen Qarax dad rayid ah oo ku sugnaa Maqaaxi ku Taala Magaalada…

Gudaha
September 27, 2021

Shirka Ururka bulshada bariga Afrika oo berrito ka furmaya Muqdisho

Muqdisho-(SONNA)-Shirka qiimeynta Soomaaliya ee ku biiridda Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa berri ka furmaya Muqdisho, iyadoo maanta ay dalka imaanayaan…

GudahaWararka
January 25, 2023

Hayโ€™adda Bisha Cas ee Turkiga oo maanta Olole indho fiiqis ah ka bilowday gudaha Soomaaliya

Muqdisho (SONNA):- Hayโ€™adda Bisha Cas Turkiga ayaa maanta olole caafimaad oo indho fiiqid ah ka bilowday magaalooyin badan oo Soomaaliyeed,…

GudahaWararka
December 26, 2023

Dekedda oo guul ay u qalantay kaga gaartay kooxda Rajo kulan ka tirsanaa horyaalka Somali Premier League

Muqdisho(SONNA)- ย Kooxda kubadda cagta ย Dekedda ayaa galabta guul muhiim ka gaartay naadiga Rajo kadib markii ay 2-0 ugu adkaatay, ciyaar…

CiyaarahaGudaha
January 21, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023