Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka hawlaha guud oo Azerbaijan kula kulmay Xoghayaha golaha iskaashiga dalalka Khaliijka
    May 19, 2026
    Kulan ku aaddan Xoojinta amniga oo Baydhabo ka dhacay
    May 19, 2026
    Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo
    May 19, 2026
    Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed
    May 19, 2026
    Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay
    May 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo gabdho suxufiyiin ah tababar ugu soo xirey Muqdisho +sawirro
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo gabdho suxufiyiin ah tababar ugu soo xirey Muqdisho +sawirro
Wararka

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo gabdho suxufiyiin ah tababar ugu soo xirey Muqdisho +sawirro

By Aadan Sooyaal
Last updated: December 18, 2019
3 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA) Munaasabad tababar loogu soo xirayay gabdho suxufiyiin ah oo gaaraya ilaa 15 lana barayay sidii xirfadohoodi suxufinimo kor loogu qaadi lahaa sida barashada Kaamirada/Warbaahinta Casriga ah iyo Sheegista Sheekooyinka (Digital Media and Storytelling) ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho,waxaana ka qeybgalay wasiir ku-xigeenka wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska mudane Aadan Isxaaq Cali iyo mas’uuliyiin kale oo katirsan wasaaradda oo uu kamid yahay agaasimaha waaxda Qorsheynta ee Wasaaradad C/raxmaan Axmed.

Tababarkan ayaa waxaa uu gabdhahaasi suxufiyiinta ah u socday muddo 10 maalmood ah,iyadoo ay iska kaashadeen (Ururka SWJ iyo safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya)waxaana fududeysay warbaahinta (Hornconnect).

dhamaan mas’uuliyiintii ka hadashey munaasabada ayaa ku bogaadiyay gabdhahaasi sida ay uga go’antahay in kaalintoodi ay ka qaataan howlaha warbaahineed ee dalka,waxaana kamid ahaa Abdirashid Mohamed Siraj
Maamulaha Hornconnect,Duniyo Maxamed Carshaan oo ka socotay bulshada Rayidka, iyo danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Donald Y.Yamamoto.

Guddoomiyaha Ururka SWJ oo ah urur ay ku middeysan yihiin suxufiyiin haween ah Farxiyo Maxamed Khayre oo goobtaasi ka hadashey ayaa sheegtay in gabdhaha suxufiyiinta ah ay wax badan kaga fursad badan yihiin ragga marka loo fiiriyo in la helo macluumaad rasmi ah oo ku saabsan nolosha haweenka Soomaaliyeed iyo xaaladohooda guud ahaaneediyo daruufaha ku gedaaman intuba,iyadoo ku dhiirogelisay gabdhaha tababarkaasi loo soo xirey in ay ka mirro dhaliyaan himilooyinka ay hiigsanayaan.

Mr Jon oo kamid ah Mas’uuliyiinta safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo tababarkan taageerayey ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin inay arkaan gabdho saxafiyiin ah oo lagu tababaray warbaahinta la iska arko, isagoo intaas ku daray in ay rajeynayaan gabdhahaan in aqoontii la baray ay isbadel ku keeni doonto xirfadooda.

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Aadan Isxaaq Cali oo tababarkaasi soo xirey ayaa kula dardaarmay gabdhahaasi suxufiyiinta ah in ay ku dadaalaan sidii xirfaddii ay barteen ay ugu adeegi lahaayeen bulshadooda.

Wuxuu sidoo kale Wasiir Aadan uga mahadceliyay safaaradda Mareykanka dowrkii ay ka qaadatay qabsoomidda tababarkani oo hindisihiisu ay lahaayeen Ururka suxufiyiinta haweenka ee (SWJ )

Marka laga hadlayo howlaha Warbaahineed ee dalka sanadihii ugu dambeeyey waxaa sii kordhayay dowrka gabdhaha Soomaaliyeed ay ku leeyihiin arrimahaasi,iyadoo tababaradan oo kale ay dhiirogelinayaan gabdhaha niyad ahaan iyo shaqo ahaan intuba.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka hawlaha guud oo Azerbaijan kula kulmay Xoghayaha golaha iskaashiga dalalka Khaliijka

Baku (SONNA): Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta XFS, Mudane Xildhibaan Ayuub Ismaciil Yuusuf,…

May 19, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Xildhibaannada Baarlamaanka 2-aad ee Hirshabeelle oo maanta la dhaarinayo

Jowhar (SONNA)-Magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa lagu waddaa in maanta ay ka dhacdo munaasabad lagu dhaarinayo xildhibaannada…

Wararka
October 31, 2020

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo kulan mira dhal ah la qaatay Wafdi ka socday Midowga Yurub

Muqdisho (SONNA) -Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye guuto Sahal Cabdullahi Cumar ayaa magaalada Muqdisho kulan gaar ah kula…

GudahaWararka
December 19, 2024

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hoggaamiyeyaasha dalalka islaamka la wadaagay mowqifka Soomaaliya ee xaaladda Qasa

Riyaad-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sucuudiga kaga qeyb-galay kulan degdeg ah oo…

GudahaWararka
November 11, 2023

Beeralayda Bakool oo cabsi ka qaba Ayax ku dagay deegaanno deris la ah

Xuddur-(SONNA)- Inta badan dhul beereedka gobolka Bakool ayaa waxaa ka da’ay roobabka dayrta inkastoo meelaha qaar ay roob la’aan tahay,…

GudahaWararka
November 1, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023