Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka
    January 10, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”
    January 10, 2026
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo cambaareeyay Aqoonsi beenaadka Israa’iil ee Somaliland
    January 10, 2026
    Dhallinyaro loo qabtay xirfado kor loogu qaadayo aqoontooda
    January 10, 2026
    Maxay ka wada hadleen Wasiirka Kalluumeysiga XFS iyo Safiirka Itoobiya?
    January 10, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar ย 
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada oo Geneva kusoo bandhigay halka uu marayo barnaamijka daryeelka Bulshada ee DFS
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada oo Geneva kusoo bandhigay halka uu marayo barnaamijka daryeelka Bulshada ee DFS
Wararka

Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada oo Geneva kusoo bandhigay halka uu marayo barnaamijka daryeelka Bulshada ee DFS

By Aadan Sooyaal
Last updated: November 27, 2019
2 Min Read
Share

Geneva-(SONNA)-Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada Soomaaliya, Mudane; Saddiiq Xersi Warfaa,ayaa sheegay in Dowladda federaalku ay dedaallo lixaad leh ugu jirto in si isku mid ah loo gaarsiiyo Bulshada Soomaaliyeed barnaamijka daryeelka Bulshada oo waara.

Mudane; Warfaa oo khudbad ka jeediyay shirka Caalamiga ah ee looga hadlayo arrimaha daryeelka bulshada oo ay soo qaban qaabisay hay’adda shaqaalaha Adduunka ee ILO, kaa oo ka socda magaalada Geneva ee Dalka Switzerland ayaa ku nuux-nuuxsaday juhdiga ay Dowladdu ku bixineyso taabba gelinta barnaamijkan iyo ka Mira dhalintiisa.

“Iyadoo aynu taageero ka heleyno Bah-wadagteenna horumarinta, waxaan billownay qaar ka mid ah mashaariicda horumarinta ee aad muhiimka u ah, si aan u hirgalinno nidaamka daryeelka Bulshada oo waafaqsan xeerka daryeelka Bulshada ee Qaranka, marka laga hadlayo awoodda maaliyadeed, waxaan ku faraxsan-nahay in July 2019-ka -Guddiga fulinta ee hayโ€™adda Lacagta Adduunku (IMF) ay kulmeen si ay u soo gaba-gabeeyaan la tashiga qodobka 4-aad ee ku saabsan Soomaaliya, waxayna ku heshiiyeen in siyaasadaha dhaqaalaha iyo qaab-dhismeedkeeda ee hoosta looga qeexay SMP- Afaraad ay buuxiyeen heerarka siyaasadaha ee la xiriira qorsheynta deynta. “ayuu yiri Wasiirku.

Wasiirka ayaa sheegay in Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha tubtiisa horumarinta Bulshada iyo dhaqaalaha ay horay u muujiyeen in maal-gashiga waaxaha Bulshada, gaar ahaan daryeelka Bulshada iyo Biyaha ay heli doonaan qoondeyn miisaaniyadeed oo ballaaran, ka dib deyn cafinta.

Wuxuu rajo wanagsan ka muujiyay dedaallada socda ee deyn cafinta ee guulaha laga gaaray inay dhammeystirmaan , taas oo uu sheegay inay horseedeyso horumar dhaqaale iyo isku filnaasho uu dalku gaaro.

“Iyadoo la tixraacayo Siyaasaddeena daryeelka Bulshada ee Qaranka, Dowladda Soomaaliya waxaa si buuxda uga go’an inay horumariso hannaan daryeelka Bulsho ee waara ,waxaannu ka faaโ€™iideysan doonnaa dhammaan kheyraadka-yaga oo aannu ย u adeegsan doonno sidii loo hubin lahaa in la gaaro mabdaโ€™a ah โ€Cidna inaan laga taginโ€ iyadoo looga faa’iideynayo marka hore inta nugul.” ayuu yiri Wasiirku.

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalaya Wasiirro, wakiillo iyo hoggaamiyeyaasha Ururro caalami ah, iyadoo Soomaaliya ay ku matalayaan wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka

Muqdisho,(SONNA):- Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa maanta ku yeeshay magaalada…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddiga Doorashooyinka oo warbixin siiyey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland

SONNA-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Mudaneย  Ahmed Mohamed Islaam, ayaa xarunta Madaxtooyada kulan kula qaatay masuuliyiinta Guddiga hirgalinta doorashada ee heer…

GudahaWararka
July 27, 2021

Guddoomiye Sheekh Aadan ooย  shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey maalinta Calanka

Muqdisho,(SONNA):- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyey xuska…

GudahaWararka
October 12, 2023

Dowladaha Qatar, Mareykanka iyo Ingiriiska oo ku dhawaaqay in 10.5 milyan oo doollar ku taageerayaan Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):- Dowladda Mareykanka (iyadoo u sii marinaysa Hayโ€™adda Mareykanka ee Horumarinta Caalamiga (USAID), Safaaradda Dowladda Ingiriiska ee Muqdisho iyo Sanduuqa…

GudahaWararka
May 25, 2023

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ku daah-furay magaalada Muqdisho shir socon doono muddo Saddex cisho ah

Muqdisho (SONNA):- Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah-furay shir looga hadlaayo dardargalinta…

GudahaWararka
December 26, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023