Guri-Ceel-(SONNA)- kulankaan oo ka dhacay xaruunta Taliska Booliiska degmada Guriceel, waxaana isugu yimid saraakiisha ciidamada qalabka sida ee dowladda fedaraalka Soomaaliya iyo qaybaha kala duwan bulshada magaaladaasi.
Kulankaan sidoo kale waxa goobjoogka ahaay masuuliyiin ka socotay maamulka degmada, madaxdaย Garsoorka dagmada, culumada deegaanka iyo shacabka magaalada.
Kulanka waxa looga hadlay xoojinta midnimada ,wadajirka iyo nabadda deegaanka iyo sidii shacabka iyo dowladdu isaga kaashan lahaayeen xaqiijinta amaanka dagmada Guri- Ceel.
Masuuliyiinta iyo bulshada degmada Guriceel ee madasha ka hadlay ayaa balan qaaday in ay si dhow ula shaqeynayaa ciidamada qalabka sida ee ka shaqeynaya amaanka magaalada.
ย ย ย ย ย