Muqdisho-(SONNA)-Kalfadhiga 6-aad kulankiisa 5-aad ee mudanayaasha Golaha Shacabka oo uu shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane; Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa Maanta loogu dooday Ajendayaal kala duwan.
Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Mudane; Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muuddey, oo ugu horreyn kulanka ka hadlay ayaa sheegay in qaar ka mid ah Xildhibaanadda golaha ay guddoonka usoo gudbiyeen Mooshin ama soo jeedin la rabay in kulanka maanta ee golaha loogaga ย doodo kaasoo ku saabsan soo xaadirista Xildhibaanada ee kulamada golaha sidaa daraadeedna maadaamaa golaha kalfadhigan ay hor yaalaan howlo fara badan ajendahaas dib loo dhigay fadhiga kan xigana looga doodi doono .
Guddiga maaliyadda,miisaaniyadda,qorsheynta iyo la xisaabtanka hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka ayaa Golaha hor keenay Akhrinta labaad ee wax ka beddalka sharciga iibka Qaranka ,waxaana golaha ka hor jeediyay guddoomiyaha guddiga Xildhibaan Maxamuud Cabdullaahi Siraaji.
Sidoo kale wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Engineer Cabdullaahi ย Cali Xasan ayaa golaha usoo gudbiyay Akhrinta 1-aad ee Heshiiska kamid noqoshada Hay’adda damaanadda Maalgashiga darafyada badan oo ay wasaaraddiisu soo diyaarisay.
Qaar ka mid ah Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa su’aalo ku saabsan Heshiiska kamid noqoshada Hay’adda damaanada Maalgashiga darafyada badan weydiiyay wasiirka ganacsiga iyo warshadaha oo kulanka joogay.
Dhinaca kale Xildhibaan Cabdifitaax Ibraahim Geesey ayaa golaha hor geeyay warbixin ku saabsan xaaladihii ugu dambeeyay ee Degmada Berdaale ee gobolka baay oo ay ku rogmadeen daadad xoog leh oo ka dhashay roobab deegaanadaasi ka da’ay qasaaraha ay geysteen,isagoo ku baaqay in si deg deg ah dadkaasi loogu gurmado.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka tacsiyadeeyay dad saaka ay dooni kula qalibantay Magaaladda baladweyne ,waxana uu sheegay in goluhu guddi u magacaabaayo dhibaatooyinka fatahaada wabiga iyo daadadkaba ka geysteen deegaanadda Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.
Sidoo kale Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa Akhrinta sedaxaad marsiiyay Sharciga Istaatiskikada ama Tirakoobka Qaranka,waxaa ka dib markii cod la geliyay ka dib codka haa ku ogolaatay 137-xildhibaan sedax ayaa ka aamustay mana jirin tira diiday,waxaana sidaasi sheegay guddoomiyaha golaha shacabka oo kulanka soo xiray.