Muqdisho (SONNA)- Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa xarigga ka jaray qeyb cusub oo lagu soo kordhiyey Warbaahinta Dawladda oo lagu magacaabo Warbaahin Danabeed, taasi oo xogaha dalka & waxqabadka dowladda ku gudbin doonto hab casri ah oo electronic ah.
Munaasabadda Xariga looga jaray qeybtaan cusub sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa qaar kamid ah Agaasimeyaasha Wasaaradda Warfaafinta, Tafeftirayaasha Warbaahinta Qaranka iyo qaar kamid Shaqaalaha Wasaaradda.
Wasiir Maareeye ayaa sheegay in qeybtan cusub bilaabi doonto shaqo kale oo hab casri ah loo sameyanayo, taas oo lajaan qaadeysa Teknooloojiyadda xilligan la-adeegsado.