Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada BFS oo kulan su’aalo–weydiin ah la yeeshay Wasiirka Caafimaadka
    November 9, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta Biraha Shubka
    November 8, 2025
    RW Ku-xigeenka “Maalgelinta cimiladu ma aha sadaqo, ee waa iskaashi loogu talagalay isbeddel iyo xalal-waara.”
    November 8, 2025
    Golaha Shacabka oo ansixiyay hindise sharciyeedka hannaanka lacag bixinta Qaranka
    November 8, 2025
    Wasiirka Arrimaha Dibadda oo WFP kala hadlay Isuduwidda Howlaha Gargaarka
    November 8, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)
    October 31, 2025
    Dib-u-kabasho iyo tubta horumarka
    October 21, 2025
    Tiigsigii wuu taabbo-galayaa
    October 20, 2025
    Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe
    October 14, 2025
    Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya
    October 12, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: Wasiirka warfaafinta Soomaaliya oo dhiggiisa Jabuuti kusoo dhoweeyay xarunta Wasaaradda
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Wasiirka warfaafinta Soomaaliya oo dhiggiisa Jabuuti kusoo dhoweeyay xarunta Wasaaradda
Wararka

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya oo dhiggiisa Jabuuti kusoo dhoweeyay xarunta Wasaaradda

By Aadan Sooyaal
Last updated: October 17, 2019
1 Min Read
Share

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir {Maareeye }ayaa xarunta wasaaradda ku soo dhaweeyay Wasiirka Warfaafinta iyo isgaarsiinta Jamhuuriyadda Jabuuti mudane; Ridwaan Cabdillaahi Bahdoon oo shalay soo gaaray Caasimadda.

Wafdiga wasiirka Warfaafinta Jabuuti oo uu wehliyay Safiirka Jabuuti u fadhiya Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale ayaa qeyb qeyb u booqday waaxaha kala duwan ee warbaahinta Qaranka oo ay ka mid yihiin TV ga, Radio Muqdisho iyo Keydka baaxada weyn ee Radiyaha oo xasuus gaar ah u leh Dalka aan Walaalaha nahay ee Jabuuti.

Mas’uuliyiintan ayaa intii ku sugnaayeen Keydka Radio Muqdisho waxa ay dhagaysteen Suugaan ka tarjumaysa halgenkii loo soo maray gobanimada Jabuuti oo ay Soomaaliya door weyn ku lahayd.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda oo uu hormuud u yahay Wasiir Maareeye ayaa wafdiga Jabuuti warbixin ka siiyay shaqooyinka Qaranka ay Wasaaradu u hayso iyo qaabka ay u shaqeyso.

Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Jamhuuriyadda Jabuuti mudane; Ridwaan Cabdillaahi Bahdoon iyo wafdigiisa ayaa uga mahad celiyay madaxda Wasaaradda soo dhaweyntii loo sameeyay.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir, ayaa ugu dambayn Xafiiskiisa kulan kula qaatay wafdiga Walaalaha Jabuuti,waxanay ka wada hadleen sidii Dowladda Jabuuti ay Gacan uga geysan lahayd tayeynta iyo xoojinta Warbaahinta Qaranka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada BFS oo kulan su’aalo–weydiin ah la yeeshay Wasiirka Caafimaadka

Muqdisho(SONNA):-Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka, ay hoggaamineysay Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Nadra Saalax Cabdi,…

November 9, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

WASIIRKA WARFAAFINTA OO QAABILAY WAKIILKA MIDOWGA AFRIKA EE SOOMAALIYA

Muqdisho(SONNA)-: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka…

GudahaWararka
January 12, 2025

Talaalka Sinopharm Vaccine oo maanta Muqdisho soo gaari doona

Muqdisho, April 11, 2021- Dowladda aan saaxiibka nahay ee China ayaa maanta oo axad ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ku wareejin…

Gudaha
April 11, 2021

Madaxweynaha Galmudug oo sheegay Shirka Dhuusamareeb in uu ku dhicidoono waqtigii lagu talagalay

Muqdisho:(SONNA)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo safar shaqo u joga dalka Turkiga ayaa sheegay in Shirka Dhuusamareeb…

Wararka
August 11, 2020

Dowladda Shiinaha oo dadkeeda ka qaaday sharci caqabad ku ahaa dhalmada.

Muqdisho(SONNA):-Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay maanta oo isniin in muwadiniinteeda loo ogolaaay inay dhali karaan hadda kadib 3 carruur ah. Bayaan…

CaalamkaWararka
May 31, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023