Naples(SONNA)- Kooxda kubadda cagta Napoli ayaa la soo warinayaa inay u dhaqaaqeyso soo xero-gelinta daafaca dhexe ee Barcelona, Samuel Umtiti kaasoo ay u aragto bedelka Kalidou Koulibaly, haddii uu xiddiga reer Senegal ka dhaqaaqo mustaqbalka dhow.
Koulibaly waxaa si weyn loogu tixgeliyaa inuu yahay mid ka mid ah daafacyada dhexe ee ugu fiican kubadda cagta adduunka, waxaana adeeggiisa la la xiriirinayaa kooxaha Barcelona, Real Madrid iyo Manchester City.
Kooxda Napoli ayaa illaa iyo haatan iska diiday dhammaan xiisaha u imaanaya 28-jirkaan, kaasoo la rumeysan yahay in lagu burburin karo qandaraaskiisa haatan 110 milyan oo gini.
Si kastaba ha ahaatee, sida ay sheegayaan wararka laga helayo Spain, kooxda reer Talyaani ayaa qorshe dajinaysa haddii uu baxo Koulibaly, iyadoo Umtiti u aragta bedelka ugu haboon booska uu ka baxayo daโyarkii hore ee Metz.
Umtiti kaasoo ku jira marxaladihii dambe ee ka soo kabsashadiisa dhaawaca cagta ah ee uu qabo ayaa ka dambeeyay Clement Lenglet doorashada garoonka Camp Nou kaddib markii uu qaab ciyaareedkiisii wanaagsanaa lumiyay.
Xiddiga xulka qaranka Faransiiska ayaa si xoog leh loola xiriirinayay inuu ka tagayo kooxda Ernesto Valverde suuqii xagaaga, laakiin ugu dambeyn waxa uu la sii joogayay kooxda reer Spain.