Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka
    January 10, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”
    January 10, 2026
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo cambaareeyay Aqoonsi beenaadka Israa’iil ee Somaliland
    January 10, 2026
    Dhallinyaro loo qabtay xirfado kor loogu qaadayo aqoontooda
    January 10, 2026
    Maxay ka wada hadleen Wasiirka Kalluumeysiga XFS iyo Safiirka Itoobiya?
    January 10, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar ย 
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Aqriso:- Nuxurka Qudbadda Madaxweyne Farmaajo ee furitaan Baarlamaanka “Sawirro”
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Aqriso:- Nuxurka Qudbadda Madaxweyne Farmaajo ee furitaan Baarlamaanka “Sawirro”
Wararka

Aqriso:- Nuxurka Qudbadda Madaxweyne Farmaajo ee furitaan Baarlamaanka “Sawirro”

By Aadan Sooyaal
Last updated: October 9, 2019
3 Min Read
Share

Muqdisho, Oktoobar 09, 2019: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo gudanaya waajibkiisa dastuuriga ah ayaa maanta si rasmi ah u furay kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay furitaanka Kalfadhigan ayaa dul-istaagay muhiimadda sharciyada uu meel mariyey muddadii la soo dhaafay, kuwaas oo gundhig u ah aas-aasidda qarannimo Soomaaliyeed oo taabba-gal ah, sharciyadaas waxaa ka mid ah, Sharciga Dhismaha Guddiga Madaxa-bannaan ee La Dagaallanka Musuqmaasuqa, Sharciga Isgaarsiinta Dalka iyo Sharciga Dhismaha Hayโ€™adda Naafada Qaranka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tilmaamay in Golaha Shacabka looga baahan yahay in ay dardar geliyaan ansixinta hindise-sharciyeedyada kale ee wali horyaalla Labada Aqal, kuwaas oo ay ka mid yihiin Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka iyo dib-u- eegista Sharciga Xisbiyada Siyaasadeed oo muhiim u ah geedi-socodka dimuqraadiyadeynta dalka.

Madaxweynaha ayaa ka warbixiyey guulaha siyaasadeed, amni, dhaqaale, Dib u heshiisiinta iyo horumarineed ee ay ku tallaabsatay Dowladdu muddadii la soo dhaafay,isaga oo muujiyey sida ay uga goโ€™an tahay in dib loo soo celiyo sharaftii iyo haybaddii Ummadda Soomaaliyeed ay ku lahayd Adduunka.

โ€œWaxaa naga goโ€™an, in aan ku soconno waddadaas la mahdiyey, si aan u dhammaystirno yagleelidda Dowlad Goboleedyo u adeega ummadda deegannadooda, isla markaasna ka qayb qaata dib-u-dhiska Qaran Soomaaliyeed oo waara.โ€

Madaxweyne Farmaajo ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladdu ay dadaal badan gelisay Dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed iyo kobcinta dhaqaalaha dalka, waxa uuna sheegay in dowladdu ay ka soo baxday shuruudihii deyn cafinta ee beesha caalamka.

โ€œAlle mahaddiis dhawaan waxaa noo soo gaba-gaboobay shirkii dib-u-heshiisiinta ee Galmudug, natiijada aan ka gaarnay dib-u- heshiisiintana waxa ay noo fududaysay inaan u gudbayno sidii aan u dhisi lahayn maamul loo dhan yahay.โ€

Madaxweynaha ayaa sheegay in dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah uu yahay mid u baahan in lagu wajaho midnimo, waxa uuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay si dhaw ula shaqeeyaan laamaha ammaanka.

Madaxweynaha jamhuuriyadda ayaa adkeeyay difaacidda midnimada, madaxbannaanida iyo ilaalinta xuduudaha dhulka, badda iyo cirka Soomaaliya, isaga oo xusay in xiriirka Dowladda Soomaaliya ay la leedahay waddamada darisku uu ku dhisan yahay is-ixtiraam, wax wadaqabsi iyo iskaashi.

DHAMMAAD

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka

Muqdisho,(SONNA):- Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa maanta ku yeeshay magaalada…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Danjiraha Soomaaliya ee Kenya oo la kulmay agaasimaha hayโ€™adda Barnaamijka deegaanka ee QM

Nairobi (SONNA): Danjire Jabril Ibrahim Cabdulle ayaa maanta kulan la qaatay Agaasimaha Hayโ€™adda Barnaamijka deegaanka ee Qaramada Midoobay ee marka…

GudahaWararka
May 15, 2024

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo furay tartanka cayaaraha degmooyinka Galmudug

Cadaado (SONNA): Madaxweye ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa galabta Cadaado ka furay tartanka cayaaraha degmooyinka Galmudug…

GudahaWararka
June 5, 2023

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo shir wadatashiga arimaha doorashooyinka ugu yeeray madaxda Maamul-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir

MUQDISHO, (SONNA) Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir wadatashi ah isugu yeeray madaxda…

GudahaWararka
May 2, 2021

Xiriirka kubbadda Cagta oo qalab nuucyo kala duwan ah ugu deeqay ururka kubbadda Cagta gobalka ee Banaadir

  Muqdisho(SONNA):-Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta ayaa si casri ah u qalabeeyay xafiiska cusub ee ururka kubbadda Cagta gobalka Banaadir…

CiyaarahaWararka
May 6, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023