Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka
    January 10, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”
    January 10, 2026
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo cambaareeyay Aqoonsi beenaadka Israa’iil ee Somaliland
    January 10, 2026
    Dhallinyaro loo qabtay xirfado kor loogu qaadayo aqoontooda
    January 10, 2026
    Maxay ka wada hadleen Wasiirka Kalluumeysiga XFS iyo Safiirka Itoobiya?
    January 10, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Wasiirka Shaqada Soomaaliya” waxaan ugu yeernay maal-gashadayaasha  Qatar inay sahmiyaan fursadaha maalgashi ee Soomaaliya”
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Wasiirka Shaqada Soomaaliya” waxaan ugu yeernay maal-gashadayaasha  Qatar inay sahmiyaan fursadaha maalgashi ee Soomaaliya”
Wararka

Wasiirka Shaqada Soomaaliya” waxaan ugu yeernay maal-gashadayaasha  Qatar inay sahmiyaan fursadaha maalgashi ee Soomaaliya”

By Aadan Sooyaal
Last updated: September 28, 2019
2 Min Read
Share

DOHA-(SONNA)- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa oo booqasho rasmi ah toddobaadkan u tagey dalka Qatar ayaa ugu yeeray maal-gashadayaasha  Qatar inay sahmiyaan fursadaha maalgashi ee Soomaaliya, kaddib kulan uu Arbacadii  Dooxa kula qaatay guddoomiye ku-xigeenka Rugta Ganacsiga Qatar.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo sida ay xukuumadda iyo maal-gashadayaasha Qatar ay door muuqda ugu yeelan lahaayeen jawiga maalgashi ee Soomaaliya,iyadoo kulanka uu goobjoog u ahaa safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Qatar,Cabdirisaaq Faarax Cali.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Rugta Ganacsiga Qatar,Maxamed bin Axmed bin Towar Al Kuwari ayaa sheegay in shirakaddaha gaarka loo leeyahay ee dalka Qatar ay danaynayaan in la xoojiyo iskaashiga labada dal iyo in la aasaaso iskaashi shirkaddo la wada leeyahay oo dan u ah labada dhinac.

Waxaa kaloo uu hoosta ka xariiqay in shirkaddaha gaarka loo leeyahay ay Soomaaliya ka fulin doonaan mashaariic ballaaraan kuwaasi oo dib loogu dhisayo dalka, isagoo inta ku daray inay qaadan doonaan shaqaale Soomaali ah ,kuwaasi oo fursaddo shaqo ka heli doona dalka Qatar.

Dhankiisa, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, Mudane Sadiiq Warfaa ayaa boggaadiyay iskaashiga dhow ay Qatar la leedahay dowladda Soomaaliya,wuxuuna caddeeyay in ujeeddada socdaalkiisa Qatar uu la xiriiro sidii loo xoojin lahaa xiriirka,soo bandhigidda fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya iyo sidii iskaashi dhow uga yaalen lahaayeen labada dal, kor u qaadidda aqoonta shaqaalaha iyo kobcinta xirfadahooda.

Warfaa, ayaa soo bandhigay fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Beeraha, Xoolaha iyo Kalluumaysiga, wuxuuna ka dalbaday maal-gashadayaasha Qatar inay Soomaaliya ka hirgaliyaan maalgashi shaqooyin u abuuraya dhallinyarada.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, ayaa khamiistii dib ugu soo laabtay dalaka,isagoo muddadii uu booqashada rasmiga ah ku joogay dalka Qatar la kulmay dhiggiisa dalkaas iyo Ra’iisul wasaaraha Qatar.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka

Muqdisho,(SONNA):- Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa maanta ku yeeshay magaalada…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Dowladda Soomaaliya oo dib dalka ugu soo celisay muwaadiniin ku xirnaa dalka Liibiya

Muqdisho-(SONNA) Dowladda Faderaalka Soomaaliya oo gacan ka heleeyso hay,ada socdaalka caalamiga ah ee (IOM) ayaa maanta dalka dib ugu soo…

GudahaWararka
March 24, 2025

Wasiirka Warfaafinta oo furay Aqoon isweydaarsi ku saabsan dardar gelinta shaqada wasaaradda

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa furay Aqoon isweydaarsi uu heerkiisu sarreeyo kana qayb galeen…

GudahaWararka
July 17, 2024

Soomaaliya oo Yugaandha kaga qayb galaysa shir looga hadlayo damaca gurracan ee Itoobiya

Kampala-(SONNA)-Wafdi Ballaaran oo uu hoggaaminayo sii hayaha xilka wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ahna wasiiru dowlaha wasaaradda Cali Cumar (Cali Balcad…

GudahaWararka
January 17, 2024

Wejiga labaad ee shirka Maareynta Maaliyadda Guud oo ka furmay Dhuusamareeb

Dhuusamareeb-(SONNA)-Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdirahman Mohamed Anas ayaa maanta si rasmi ah u furay wejiga labaad ee…

GudahaWararka
November 19, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023