Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah
    February 19, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika iyo xubno kale
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: 64 sano ka dib, Saaxiibtinimada Soomaaliya iyo Shiinaha (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > 64 sano ka dib, Saaxiibtinimada Soomaaliya iyo Shiinaha (WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaSiyaasadda

64 sano ka dib, Saaxiibtinimada Soomaaliya iyo Shiinaha (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: September 7, 2024
8 Min Read
Share

Wadankii ugu horreeyay ee ay wax wada qabsadaan Shiinaha iyo dalalka ku yaal qaaradda Afrika ayaa ahaa Dalka Marooko, sanadka markuu ahaa 1947-kii ayuu bilowday wax wada qabsigooda, wadanka xiga ayaa lagu sheegaa inuu yahay Soomaaliya, Xiriirka Dibolomaasiyadeed iyo wax wada qabsi ee ka dhaxeeya Dalalka Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa la sheegaa inuu soo bilowday 1960-meeyadii, xilligaasi waxii ka dambeeyay, waxa uu Dalka Shiinaha Dadka uu Wadanka Soomaaliya ka fuliyay Mashaariic waaweyn oo aad qiimo ugu lahaa Dadka Soomaaliyeed oo lagu xasuusto xiriirka wax wada qabsi ee labada Dal iyo labada Shucuub, waxaana ka mid ahaa Garoomada ku yaala Tuulada Ispoortiga oo uu ku jirto Garoonka Kubadda Cagta ee Istaadiyo Muqdisho, Golaha Murtida iyo Madadaalada ee loo yaqaan Tiyaatarka Qaranka, Waddooyin uu ka mid yahay jidka u dhaxeeya Afgooye iyo Baydhabo, mashruucii biya xireenka Faanoole, Isbitaalka Banaadir iyo kuwa kale, Dowladda Shiinaha ayaa haatanna dooneysa inay Soomaaliya kaga qeybqaadato dib u soo kabashadeeda.

“Soomaaliya waa dalkii ugu horreeyay ee ku yaalla Bariga Afrika ee xiriir diblomaasiyadeed la yeesha Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha, iyadoo labada dal ay mar walba is garab taagnaa waqtiyada adag, 64 sano ka dib, saaxiibtinimadani aad bay uga sii xoog badan tahay sidii hore oo waxay xambaarsan tahay macno dheeraad ah”, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Shiinaha ahna Afhayeenka Wasaaradda Hua Chunying ayaa sidaan ku qeexday xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa khudbad uu ka jeediyay madasha iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC) kaga hadlay xoojinta iskaashiga ka dhexeeya Shiinaha iyo Afrika, isagoo xusay in xiriirka labada dhinac uu gaaray heerkii ugu wanaagsan taariikhda, wuxuuna carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in sare loo qaado caddaaladda, sinnaanta, iyo iskaashiga dhinacyada Warshadaha, Beeraha, iyo kaabayaasha dhaqaalaha, iyada oo xoogga la saarayo samaha bulshada iyo horumarinta deegaanka, islamarkaana wuxuu ku dhawaaqay toban hindise oo iskaashi, kuwaasi oo ay ka mid yihiin kor u qaadista Waxbarashada iyo Tignoolajiyada, taageeridda haqab-beelka cuntada, iyo horumarinta tamarta cagaaran, waxa uu sidoo kale soo bandhigay qorsheyaal lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyada amniga iyo nabadda, isagoo ugu dambeyn ballan qaaday in Shiinuhu uu bixin doono taageero maaliyadeed oo dhan 360 bilyan Yuan, si loogu fuliyo qorshayaashan seddexda sano ee soo socota.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa guddoomiyey shir doceed muhiim ah oo ku saabsan iskaashiga Dhaqaalaha Buluugga ee Soomaaliya iyo Shiinaha intii lagu guda jiray shirweynaha Shiinaha iyo Afrika ee ka dhacay Beijing halkaas oo hoggaamiyayaasha iyo wakiilada dalalka Afrika iyo Shiinaha ay uga wada hadlayaan xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo istaraatijiyadaha horumarineed ee Afrika iyo Shiinaha.

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa kaalin muhiim ah ka qaatay shirka isaga oo soo bandhigay sida Soomaaliya ugu heellan tahay horumarinta Dhaqaalaha Buluugga iyo baahiyaha dalka ee ku aaddan casriyeynta kaabayaasha kalluumeysiga, iyadoo uu Shir doceedkaasi uu ka qeyb galay daneeyayaal muhiim ah, wuxuuna ujeedadiisu aheyd in la xoojiyo iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha gaar ahaan dhinaca Dhaqaalaha Buluugga, iyada oo mudnaan la siinayo isticmaalka waara ee kheyraadka badaha, si loo gaaro koror dhaqaale.

Wadahallada ayaa sidoo kale taabtay maalgashiga suurtagalka ah ee Shiinaha ee kaabayaasha badda ee Soomaaliya, sida dhismaha dekedaha casriga ah iyo xarumaha farsamaynta, kuwaas oo muhiim u ah kobcinta warshadaha kalluumeysiga dalka. Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadalay barnaamijyada cilmi-baarista wadajirka ah si loo fahmo oo loo ilaaliyo nidaamka deegaanka badda.

Dowladda Shiinaha ayaa muujisay ahmiyadda ay u leedahay inay taageerto Soomaaliya iyada oo loo marayo kanaallo kala duwan, oo ay ku jiraan caawinaad dhaqaale, khibrad farsamo, iyo barnaamijyo awood dhisid. Taageeradan ayaa kaalin weyn ka ciyaari karta sidii Soomaaliya ay u gaari lahayd yoolalka horumarineed iyo sidii loo xoojin horumarada dhinaca Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Bulluugga ee dalka, iyadoo Shir doceedkaasi uu ahaa madal loogu talagalay xoojinta xiriirka labada dhinac ee Soomaaliya iyo Shiinaha, isagoo dhiirrigelinaya iskaashiga labada dowladood, si loo horumariyo.

Madaxweyne Shiinaha Xi Bien ayaa ku dhawaaqay deeq dhan 200 Milyan oo Yuan oo ah lacagta Shiinaha, taasi oo lagu taageerayo qorsheyaasha mudnaanta u leh Soomaaliya, taasi oo ka timid kadib markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu dhawaan wada-hadallo laba geesood ah kula yeeshay Madaxweynaha Shiinaha, Mudane Xi Jin ping, Madaxtooyada Beijing., waxayna labada Madaxweyne isku afgarteen in kor loo qaado xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal ee Shiinaha iyo Soomaaliya, lana gaarsiiyo heer aad u sarreeya oo iskaashi istiraatiiji ah iyo sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan ee u daneynaya labada Shacab, wuxuuna ,adkeeyay siyaasadda labada dal ee ku salaysan taageerada iyo garab istaagga midnimada dhuleed ee labada dal mid kasta uu u hayo kan kale, si wafaaqsan xeerarka caalamiga ah ee gobanimada iyo dowladnimada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shiinaha Mudane Xi Jinping ayaa xusay ballanqaadka Shiinaha ee ku saabsan in la xoojiyo iskaashiga kala dhaxeeya dalkiisa Jamhuuriyadda Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, maalgashiga kaabeyaasha nolosha iyo ganacsiga, amniga cuntada iyo isbeddelka cimilada, wuxuuna Madaxweyne Xi Jin uu ku dhawaaqay deeq dhan 200 Milyan oo Yuan oo lagu taageerayo qorsheyaasha mudnaanta u leh Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shiinaha Mudane Xi Jinping ayaa xusay ballanqaadka Shiinaha ee ku saabsan in la xoojiyo iskaashiga kala dhexeeya dalkiisa Jamhuuriyadda Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, maalgashiga kaabeyaasha nolosha iyo ganacsiga, amniga cuntada iyo isbeddelka cimilada.

Dhinaca arrimaha Gobolka Geeska Afrika ayaa lagu soo waramayaa in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Eritrea Mudane Isaias Afwerki ay kulan-doceed ku yeeshay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha, kuwaasoo ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal ee ku qotoma dhinacyada iskaashiga amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha gobolka, waxayna si gaar ah diiradda ugu saareen xoojinta ahmiyadda iskaashiga dagaalka lagula jiro Argagixisada iyo sare u qaadidda danaha istaraatijiyeed ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Ereteriya.

Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah El-Sisi, ayaa shir jaraa’id oo wadajir ah magaalada Ankara kula qabtay dhiggiisa Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, wuxuuna  carrabka ku adkeeyay in la taageero dadaallada lagu xasilinayo gobolka, isagoo tilmaamay in caqabadaha sii kordhaya ee ka jira ay sii xoojinayaan baahida loo qabo iskaashi dhexmara wadamada gobolka.

By. C/lahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa…

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS oo guddoomiyay kulan looga hadlayay shirka caalamiga ah ee isbeddelka cimilada ee COP-28

Muqdisho-(SONNA)-Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey u diyaar garowga xukuumadda…

GudahaWararka
November 4, 2023

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa Xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho ku qaabilay Safiirka…

Gudaha
April 18, 2025

Ciidanka Xoogga oo Howlgal qorsheysan ka sameeyay degaanno hoostaga Degmada Xudur

Muqdisho(SONNA):-Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan Guutada 9-aad, Qeybta 60-aad ayaa howlgal jab xooggan lagu gaarsiiyay khawaarijta waxa ay ka sameyeen…

GudahaWararka
January 4, 2025

Wasiir Fiqi oo ka qaybagalaya madasha iskaashiga Carabta iyo Shiinaha

Muqdisho (SONNA): Wasiirka arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dowladda FS  Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa gelinkii dambe…

GudahaWararka
May 28, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023