Galkacyo- (SONNA)- Magaalada Galkacyo 2 sano kahor waxa ay astaan u ahayd colaado ragaadiyay geedi socodkii nabada magaalada Waxa ay sheegayaan bulshadu in xiligaan meesha ay ka baxeen siyaasadihii isdiidanaa ee ka dhaxeeyay maamulada kuwaa oo xiliyada colaadaha galaafan jiray nolosha dadka islamarkaana wiiqay hormarkii bulshada
Jamhuriyada Fedraalka somalia oo kaalin wayn ka gaysatay xallinta mushkiladaha siyaasadeed ee galkacyo horay uga jiray ayaa waxay noqotay tulsaale wax ku ool ah marka la eego nabadda iyo wada noolanshaha taa oo dawladdu waqti badan ku bixisay hirgalintooda
Waxaa dhibatooyinkii galkacyo soomaray ay baabi iyeen nolosha dadka deegaanka jiil badan ayeey nolosha ku adkeyeen daruufihii laga dhaxlay qabiilka balse hada waxaa jira ifafaale kaduwan sidii hore oo waxaa dhismaya hanaankii bulshada marka la eego nabada ka hana qaaday
dadaalkii dawladda fedraalka maamulada ka jira magaalada iyo bulshada rayidka qaybeheeda kaladuwan waa sidee dareenka dadka magaalada galkacyo hada
Waxay Wakaalada wararka Qaranka Somaliyeed ee SONNA u shegeen bulshada magaalada galkacyo sidii loo gaaray heshiiska nabad ku soo dabaalidda gaalkacyo in laga baaqsaday qasaare isugu jira naf iyo maal oo magaaladaan sanad kasta dhowr mar kadhicijiray taa badalkeedana wax walba sicaadiya ay kusoo laabteen
Isdhex galka bulshada oo ka duwan sidii u ahaa sanadihii colaadda waxa aad ka arkaysaa Gaalakcyo in wax wayn is badaleen bulsho aan awoodin in ay wax wada qabsadan kana tashadan danahooda markii hore ayaa haatan ka shaqaynaya hormarka.
Ifafaalaha muujinaya dawladnimada iyo kashaqaynta danta guud oo xawli ku socda ayaa guud ahaanba ka muuqda nolosha bulshada qaybaheeda kala duwan hadii ay ahaan lahayd dhinacyada waxbarashada, ganacsiga, caafimaadka iyo amniga intaba waana magaalo hada nolol ay ka jirto kana soo baxday xaalad adag
Gaalkacyo waa Magaalo madaxda gobolka mudug waxayna dhacdaa bartamaha somaliya waxaana maamulkeeda gacanta ku haya maamulada Galmudug iyo puntland oo kala xukuma labada qaybood ee magaaladu u qaybsantahay waa koofur iyo waqooyi waana goob istiraatiiji u ah gobolada somalia.