20 qof oo ku dhimatay dhul gariir ka dhacay dalka Pakistaan

La wadaag cid kale

Islamabad-(SONNA)-Ugu yaraan 20 qof ayaa dhimatay tiro intaa ka bandanna dhaawacyo ayaa soo gaaray markii uu dhul gariir ka dhacay dalka Pakistan.

Dhul gariirkan oo ay baaxaddiisu ahayd 5.7 magnitude ayaa ku dhuftay qeybo ka mid ah degmada Harnai, gobolka Balochistan ee dalka Pakistan.

Sida ay Saraakiisha maxalliga u sheegeen warbaahinta dhul gariirka ayaa sidoo kale sababay bur-bur xooggan oo soo gaaray dhismayaasha magaalada, iyadoo kooxaha gurmadkuna ay wadaan samata bixin.

La wadaag cid kale