Kuwait City-(SONNA)-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dalka Kuwait kaga qayb galay kulanka ugu horreeya ee Guddiga Maamulka Machadka Qorsheynta Carabta ee sanadka 2025.
Kulanka oo muhiimad weyn u leh dalalka xubnaha ka ah machadka ayaa lagu soo bandhigay Tusmada Kharashaadka Dowladda ee dalalka Carabta, taas oo ah aalad muhiim ah oo lagu cabbiro hufnaanta iyo wax-ku-oolnimada kharashaadka dowladaha Carabta.
Wasiir Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Agaasimaha Guud ee Machadka Qorsheynta Carabta, Mudane Cabdalla Shami iyagoo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa taageerada machadka uu u fidiyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada qorsheynta dhaqaalaha, horumarinta aqoonta iyo dhismaha hayโadaha.
Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Agaasimaha Guud ee Machadka taageerada ay Soomaaliya u fidinayaan, isagoo xusay in iskaashigan uu gacan weyn ka geysan doono xaqiijinta qorshayaasha horumarineed ee dalka.