Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Hayโ€™adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 1, 2026
    Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibaddaย oo ka Qayb galay Furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika ee magaaladda Seoul
    June 1, 2026
    Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Tรผrkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hayโ€™adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Tรผrkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    โ€œKoonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyaddaโ€œ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: ๐‘W Xamsa: ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š๐ง ๐ฎ ๐›๐š๐š๐ก๐š๐ง๐š๐ก๐š๐ฒ ๐ญ๐š๐œ๐ฅ๐ข๐ข๐ง ๐ฌ๐š๐ซ๐ž ๐จ๐จ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ญ๐š ๐š๐ช๐จ๐จ๐ง ๐ข๐ฒ๐จ ๐ฑ๐ข๐ซ๐Ÿ๐š๐ ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐๐š๐š๐ฆ๐ข๐ฒ๐จ ๐›๐š๐š๐ก๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐ฃ๐ข๐ซ๐š
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > ๐‘W Xamsa: ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š๐ง ๐ฎ ๐›๐š๐š๐ก๐š๐ง๐š๐ก๐š๐ฒ ๐ญ๐š๐œ๐ฅ๐ข๐ข๐ง ๐ฌ๐š๐ซ๐ž ๐จ๐จ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ญ๐š ๐š๐ช๐จ๐จ๐ง ๐ข๐ฒ๐จ ๐ฑ๐ข๐ซ๐Ÿ๐š๐ ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐๐š๐š๐ฆ๐ข๐ฒ๐จ ๐›๐š๐š๐ก๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐ฃ๐ข๐ซ๐š
GudahaWararka

๐‘W Xamsa: ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š๐ง ๐ฎ ๐›๐š๐š๐ก๐š๐ง๐š๐ก๐š๐ฒ ๐ญ๐š๐œ๐ฅ๐ข๐ข๐ง ๐ฌ๐š๐ซ๐ž ๐จ๐จ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ญ๐š ๐š๐ช๐จ๐จ๐ง ๐ข๐ฒ๐จ ๐ฑ๐ข๐ซ๐Ÿ๐š๐ ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐๐š๐š๐ฆ๐ข๐ฒ๐จ ๐›๐š๐š๐ก๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐ฃ๐ข๐ซ๐š

By Dahir Aadan Cali
Last updated: February 9, 2026
3 Min Read
Share

Muqdisho, Axad,(SONNA):- Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa daahfuray Shirweynaha 3aad ee Waxbarashada Qaranka, oo sannadkan diiradda lagu saarayo dib-u-habaynta iyo tayeynta nidaamka waxbarashada dalka, horumarinta manhajka, kobcinta xirfadaha macallimiinta iyo ballaarinta fursadaha waxbarasho ee dalka.

Raโ€™iisul Wasaaraha oo khudbad ka jeediyey munaasabadda furitaanka, ayaa adkeeyey muhiimadda ay waxbarashadu u leedahay dalkeenna, isaga oo tilmaamay in ay laf-dhabar u tahay horumarka dhaqaale, bulsho iyo amniga dalka, waxa uu xusay in Xukuumadda DanQaran ay mudnaan gaar ah siisay maalgelinta waxbarashada, xirfadda macallimiinta iyo Manhajka guud ee dalka, si loo helo nidaam tayo leh, hufan, isla markaana la jaanqaadaya baahiyaha casriga ah ee tacliinta.

โ€œXukuumadda DanQaran wax ay hirgalisay tababbarro joogto ah oo la siinayo barayaasha dalka iyo nidaamyo lagu qiimeynayo tayada macallinka, si loo helo barayaal ku hubaysan aqoon, karti iyo anshaxa waxbarasho ee dalka, waxaannu xoojinay mideynta manhajka waxbarashada laga bilaabo dugsiga hoose ilaa tacliinta sare, si ardayda Soomaaliyeed u helaan aqoon tayo leh, isku dheelli tiran, una dhiganta heerarka caalamiga ah. Tallaabooyinkaasi waxa ay muujinayaan sida ay Xukuumadda uga goโ€™antahay dhismaha nidaam waxbarasho oo ka qeyb qaata horumarka iyo dib-u-dhiska Qarankaโ€. Ayuu yiri Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Mudane Xamsa, ayaa sheegay in Soomaaliya ay samaysay horumar la taaban karo oo ku aaddan dib-u-dhiska nidaamka waxbarashada iyada oo Xukuumaddu ay hirgalisay shuruuc, siyaasado iyo habraacyo muhiim u ah waxbrashada sida Xeerka Waxbarashada, Siyaasadda Qaran ee Waxbarashada iyo Istaraatiijiyadda horumarinta waxbarashada, kuwaas oo saldhig u ah baahida tacliinta, tayeynta iyo xoojinta nidaamka maamulka waxbarashada.

Shirweynaha waxa uu si buuxda ula jaanqaadayaa qorshayaasha istaraatjiyadeed ee ay ka mid yihin Qorshaha Istarsatijiga Waxbarashada (ESSP 2022-2026), Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025-2029) lyo Aragtida Qarni Jirka 2060 (Vision 2060), kuwaas oo dhammaantood u aqoonsan waxbarashada in ay tahay tiirka horumarinta karaanka aadanaha, nabad-dhiska, dowlad-wanaagga iyo kobac dhaqaale oo waara.

Shirka oo hal-ku-dhiggiisu yahay sannadkan (Hiigsi Toosan iyo Horumar Tayeysan), ayaa ujeedkiisu yahay in lagu qiimeeyo waxyaabaha ka qabsoomay qorshihii sannadkii hore, dib-u-eegista dhexe ee heshiiska iskaashiga Soomaaliya (Partnership Compact) oo qeyb muhiim ah ka ah maalgalinta Heyโ€™adaha Iskaashiga Caalamiga ah ee waxbarashada (GPE), iyada oo lagu qiimeynayo isla-xisaabtanka dowladda iyo bah-wadaagta waxbarashada.

Ugu dmabayn Raโ€™iisul Wasaare Xamsa, ayaa uga mhadceliyay madaxdii kasoo qayb-gashay Shirweynahan oo ay ka mid yihiin Wasiirka Tacliinta Sare iyo Cilmi-baarista Jamhuuriyadda Jabuuti,Mudane Nabiil Maxamed Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo oo qeyb ka ah bahda waxbarashada.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Hayโ€™adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga

Muqdisho,(SONNA):- Hayโ€™adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), oo kaashanaysa Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta iyo Akademiyada Goboleedka…

June 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Taliska ciidanka booliska oo soo bandhigay walxaha qarxa iyo rag loo soo qabtay โ€œSAWIRROโ€

Muqdisho (SONNA)-Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa soo bandhigay walxaha qarxa iyo rag loo haysto falal argagixisanimo oo howlgal lagu soo…

GudahaWararka
April 1, 2021

Damacii Abiy ee Badda oo guray (WARBIXIN)

Itoobiya oo ah dalka ugu dadka badan caalamka oo aan bad laheyn ayaa si toos ah u weyday marinka badda…

GudahaMaqaalladaSiyaasadda
February 7, 2024

Wasiirka shaqada oo la kulmay safiirka Sucuudiga

Muqdisho (SONNA): Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Dr. Maxamed Cilmi ibraahim ayaa maanta kulan la…

GudahaWararka
February 21, 2024

Dowladda Ingiriiska oo Soomaaliya ku ammaantay qorshaha maareynta rasaasta

Muqdisho(SONNA):-Dowladda Ingiriiska ayaa Soomaaliya ku ammaantay inay noqotay dalkii ugu horreeyay ee caalamka guul ka gaaray qorshaha raadraaca iyo maareynta…

GudahaWararka
June 12, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023