Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya
    January 10, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah salaadda jimcaha kula oogay masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Baraakaraha
    January 9, 2026
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya
    January 9, 2026
    In ka badan 22 khawaarij ah oo lagu laayey Gobolka Bay
    January 9, 2026
    Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay Arrimaha Soomaaliya iyo qodobbo kale
    January 9, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Yaa laga  aqoonsan karaa Madaxda Daacishta Soomaaliya? (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Yaa laga  aqoonsan karaa Madaxda Daacishta Soomaaliya? (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Yaa laga  aqoonsan karaa Madaxda Daacishta Soomaaliya? (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: February 19, 2025
7 Min Read
Share

Howlgal Militari oo ay iska kaashadeen Dowladda Soomaaliya iyo Ciidanka Cirka ee Mareykanka (AFRICOM) oo todobaadkaan laga fuliyay goobo ay ku dhuumaalaysanayeen haraadiga khawaarijta iyo Horjoogayaasha kooxda ISIS Buuralayda Calmiskaad ee gobolka Bari Puntland, kaasi oo ahaa mid aad loo qorsheeyay ayaa waxaa lagu xoojinayay howlgallada is daba joogga ah ee geesiyaasha daraawiishta Puntland ay ku ciribtirayaan Argagaxisada Daacish, iyadoo ay wali socdaan tirakoobka khasaaraha gaaray cadowga ISIS, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Saaxiibada Mareykanka ayaa waxaa ka go’an xoojinta iskaashiga howlgalka lagu ciribtirayo khawaarijta.

Mareykanka ayaa saaray cunaqabateyn ka dhan ah ururka Daacish ee Soomaaliya dhammaadkii sanadkii 2022-kii, isagoo magacaabay xubno ka tirsan kooxda Daacish iyo shabakad lagu eedeeyay inay ku lug leedahay hubka gacanta u gala kooxaha Argagixisada ah.

Haddaba Warbixin ay soo saartay kooxda kormeerka cunaqabateynta hubka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay sirdoonka dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay in ay jirto kalsooni sii kordhaysa in hogaamiyaha Daashic uu yahay Abu Xafs Al-Hashimi Al-Qurashi. Ninkan ayaa noqonaya hoggaamiyihii shanaad ee kooxda tan iyo dilkii Abu Bakr al-Baghdadi. Kooxdan oo mar ka talineysay dhul ballaaran oo ka mid ah dalaka Ciraaq iyo Suuriya, sidoo kalena saameyn weyn ku leh dalal ku yaalla Waqooyiga iyo Bariga Afrika. Soomaaliya ayaa loo arkaa inay tahay meesha ay saameynta muuqata ku leeyihiin.

Kooxda Daacish ee Soomaaliya ayaa saldhigooda ugu weyn ku leh buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, halkaas oo ay ciidamada Puntland dhawaan ka bilaabeen guluf dagaal oo loo arko kii ugu xooganaa oo ciidamada Puntland iyo kooxda dhexmara. Cabdulqaadir Muumin oo muhiim u ah howlgallada caalamiga ah ee Daacish shaki kuma jirin, sida Warbixinadii hore ee sirdoonka Qaramada Midoobay ay soo jeediyeen in la dalacsiiyay, si uu u hoggaamiyo Wiilaayada aaminsan fikirka xag jirka ah, taasoo si dhaba u siinaysa xakameynta faracyada kooxda ee Afrika, sida lagu xusay warbixinta kooxda.

Tan iyo geeridii hogaamiyaha Daacish Abu Bakr al-Baghdadi 2019-kii, kooxda ayaa isku dayday inay ilaaliso hogaamiyeyaashooda iyagoo qarinaya aqoonsigooda iyo sidoo kale yareynta muuqaalada dadweynaha. Sanadkii 2022-kii kooxda Daacish ayaa xaqiijisay geerida hoggaamiyihii Ururkaasi Abuu Xuseen Al-Xuseeni Al-Qurashi, waxayna badalkiisa u magacaabeen Abu Xafs Al-Hashimi Al-Qurashi. Haddii Abu Hafs uu yahay Mumin ee Soomaaliya, sidoo kale wuxuu ka badbaaday ugu yaraan hal isku day dil oo duqayn hawada oo Mareykanka fuliyey bishii May 2024-kii, sida lagu xusay warbixinta.

Haddaba aan wax yar ka xusno taariikh nololeedka Cabdulqaadir Muumin, Cabdiqaadir Muumin, wuxuu dhashay sanadihii 50-yadii, wuxuuna ku dhashay degmada Qandala ee gobolka bari, isagoo dhammaadkii 90-yadii galay qaarada Yurub, xilligii dagaalada culusi ka socdeen Soomaaliya, wuxuuna tegay dalka Sweden , isagoo markii dambe wuxuu u wareegay dalka Ingiriiska. waxaana la sheegaa inuu ka mid noqday dadkii deganaa magaalada Leicester, kadib waxa uu ku biiray Maxkamadihii Islaamiga ahaa ee koonfurta Soomaaliya sanadkii 2006-kii, sida laga soo xigtay sarkaalka la hadlay BBCda u sheegay in xilligii uu ka tirsanaa Maxaakiimta Islaamigaa uu tegay Muumin, magalada Bosaaso ee gobolka Bari.

Sarkaalka ayaa sidoo kale u sheegay in BBC da in markii Maxaakiimta iyo Al-Shabab ay kala baxeen uu Cabdiqaadir Muumin ku biiray kooxda Al-Shabaab,  wuxuuna sanadkii 2007-kii markii kooxda Al-shabaab xubnahadooda laga unkay Puntland, isagoo ku dhuumaalaysan jiray, balse markii dambana galay buuraha isagoo al-shabaab ah.

Markii kooxda uu ku biiray Cabdiqaadir Muumin ayaa meel fagaare ah ku gubay baasaboorka Ingriiska oo uu haystay, waxaana la sheegaa in Xaaska Cabdulqaadir uu ka soo guursaday dalka Ingiriiska, waxa uuna sheegay sarkaalka la hadlay BBC da in ay mar gacanta u gashay hay’adooda xilli ay ka soo laabaneysay buuraha Galgala, ugu dambeyntii sanadkii 2015-kii ayuu Cabdiqaadir Muumin xiriir la sameeyey hogaamiyihii kooxda ISIS ee Ciraaq Abu Bakr al-Baghdadi, si uu ubuuro wakiilada kooxda ee Soomaaliya, taasi waxaa xaqiijinaya Muuqaal ay kooxdu soo bandhigeen iyagoo ku sugan buuraha Galgala ee Puntland ayuu ka soo muuqday Cabdiqaadir Muumin sanadkii 2019-kii. Si lamida sanadihii ka dambeeyey gaar ahaan 2022-kii ayay kooxdu sii dayeenmuuqaal  tiro ka tirsan ciidamadooda oo tabbabar ku qaadanaya buuraha bari ee Puntland.

Sida ay sheegeen milatariga Maraykanka duqeyn laga fuliyay dhulka Buuraleyda ee gobolka Bari ayaa dadkii halkaa ku dhintay uu ka mid ahaa sarkaal sare oo kooxda u qaabilsanaa qorshaynta weerarrada, laakinse lama sheegin magaca sarkaalkaas iyo dagaallamayaashii kale ee ku dhintay duqaynta, kuwa la tuhmayo inay halkaasi ku geeriyooday ayaa waxaa ka mid ah Cabdiraxmaan Faahiye wuxuu Al shabaab ka soo wareegay 2015-kii. iyagoo si isku mid ah, Isaga & Madaxda ISIS ee uu ka midka yahay Cabdulqaadir Muumin ayaa isku wakhti ka soo goostay kooxda, xiligaas oo ay wateen 15 nin oo ilaalo ah oo kaliya, waxayna saldhig ka dhigteen buuraleyda Cal-Miskaad ee u dhow Qandala, waxaana lagu tilmaamay inuu ka mid yahay madaxda Daacishta Soomaaliya, uuna toos uga amar qaato Cabduqaadir Muumin.

Maraykanka ayaa ku eedeeyay inuu yahay Ninka maleegay weerarkii ugu horreeyay ee uu ururkaas ka fuliyay Boosaaso 23-kii May 2017-kii, kaasoo ahaa qarax laga fuliyay Bar koontarool boolis, ayna ku dhinteen shan Ruux. Maraykanka ayaa ninkan u haysta inuu diyaariyo weerarrada ka dhanka ah ganacsatada diidda lacagaha uu ururkaas ku soo rogo. Warbixinta ayaa lagu sheegay in Faahiye oo ah ku xigeenka uu ku guulaystay in bil qura ah uu ganacsatada ku qasbo inay bixiyaan lacag dhan 100,000 oo dollar, taasoo mushaar ahaan loo siiyay dagaalyahannada Ururkaasi.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Dowladda Hindiya ayaa si adag uga hortimid go’aankii xadgudubka ahaa ee Israa’iil ay ku aqoonsatay…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo Faransiiska kaga qeybgalay shir muhiim ah

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Axmed Saciid Maxamed iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa magaalada Lyon ee dalka…

Gudaha
April 26, 2024

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kuwait

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Manama ee dalka Baxrayn,…

GudahaWararka
May 16, 2024

Madaxweynaha JFS oo Wasiirka Difaaca UK kala hadlay shirka amniga Soomaaliya ee lagu wado in uu ka dhaco New York

Muqdisho (SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugnaa magaalada London waxa uu…

CaalamkaGudahaWararka
November 23, 2023

Horjoogayaal ka tirsanaa Al-shabaab oo lagu dilay Shabeelaha hoose

Marka (SONNA)- Cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka oo howlgallo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab ka fuliyay tuulooyin Hoostaga Bariire…

GudahaWararka
October 6, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023