Dar es Salam (SONNA): Safaaradda Soomaaliya ee dalka Tanzania ayaa caawa martigelisay munaasabadda 65-guurada madax-bannaanida Soomaaliya, iyada oo sidoo kale daahfurtay dhismaha cusub ee safaaraddu ay ku yeelanayso magaalada Dar es Salaam.
Wasiirro ka tirsan xukuumadda FS, safiirka Soomaaliya ee Tanzania, wasiirro ka tirsan dowladda Tanzania iyo marti sharaf kale ayaa ka qaybgalay munaasabadda.