Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
    Ergada Soomaaliya ee qaramada midoobay oo munaasabad casho ah u qabtay danjireyaasha iyo diblomaasiyiinta ka hawlgala xarunta QM
    January 29, 2026
    Taliyaha Booliiska oo shirguddoomiyey shirka hoggaanada Booliiska
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Xukuumadda Soomaaliya oo soo saartay amaro lagu xakameynayo faafida Xanuunka COVID19
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Xukuumadda Soomaaliya oo soo saartay amaro lagu xakameynayo faafida Xanuunka COVID19
Wararka

Xukuumadda Soomaaliya oo soo saartay amaro lagu xakameynayo faafida Xanuunka COVID19

By Aadan Sooyaal
Last updated: March 2, 2021
5 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya H.E. Maxamed Xuseen Rooble, markii uu qiimeeyey soo laba kaclaynta xanuunka COVID-19 Markii uu dib u eegis Ku sameeyey goโ€™aamadii hore ee Xukuumadda Isla markaana tixgeliyey talooyinkii iyo soo-jeedimihii Guddiga Qaran ee ka Hortaga iyo Xakameynta Cudurka Covid19:

Si looga hortagayo loona xakameynayo Faafidda Xaunuunka Covid19. Waxa uu soo saaray amaradan iyo habraacyadan soo socda:

XAKAMEYNTA XANUUNKA COVID19 EE GUDAHA DALKA:

โ€ข Qofkasta waa inuu xirtaa Afsaar ama Mask marka uu joogo dhammaan goobaha la isugu yimaado sida Suuqyada, Masaajida, gaadiidka dadweynaha, goobaha ganacsiga iyo meel kasta oo dadweyne isugu yimaaddo.

โ€ข Xafiisyada Dowladda si ku meel gaar ah ayaa loo xirayaa muddo 2 usbuuc ah oo ka bilaabanaysa 3da March 2021, Shaqaalaha waxey kasoo shaqeyn doona guriga, marka laga reebo kuwa bixiya adeegyada muhiimka ah.

โ€ข Dhammaan goobaha waxbarashada kuwa Dawliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay sida Iskuullada iyo Jaamacadaha waa la xidhi doonaa Muddo 2 Isbuuc ah laga bilaabo 3da March ilaa 17ka March 2021.

โ€ข Isu socodka Caasimada Dalka iyo Gobalada waa la dhimi doonaa muddo 2 isbuuc ah laga bilaabo 3da March 2021 ilaa 17ka March 2021.

โ€ข Gaadiidka Dadweynaha iyo kuwa Gaarka loo leeyahay ayaa si caadi ah usii socon doona guddaha magaalooyinka, waxaana waajib ah in dadku xirtaan Afsaar ayna hubiyaan Kala fogaashaha bulshada.

. Waxa muddo 30 maalmood ah laโ€™ joojiyey xafladaha Aroosyada, sidoo kalena waxa la mamnuucay goobaha caweysyada ee habeenkii dhalinyaradu ku kulanto.

โ€ข Mootooyinka (Bajaaj) iyo Basaska (Hoomeey) waa loo oggol yahay inay qaadaan rakaab waana inay dhowraan nadaafadda, Dadkuna kal fogaadan, qaataana Afxirka wajiga.

โ€ข Kulamada dadka wixii kabadan 10 qofood waa la joojiyay mudda 1 Bil ah. Isu soo baxyada khaaska ah ee ruqsadda la siiyey waxa ku xiran shuruud ah:
1. In dadka isu soo baxayaa isu jirsadaan 2 mitir
2. In qof kasta oo imanayna isu soo baxa uu soo qaato afxir ama mask

โ€ข Goobaha Jirdhiska iyo Garoomada Ciyaaraha waxaa la hakiniyaa muddo 2 todobaad ah oo ka bilaabanaysa 3-da March illaa 17ka March 2021.

โ€ข Kulamada aaska iyo kuwa tacsida waa inaysan ka badnaan 10 qofood iyadoo la hubin doono kala fogaashaha bulshada iyo qaadashada Afsaarka.

โ€ข Wasaaradda Caafimaadku waxay adkaynaysaa ilaalinta fayadhowrka guud ee goobaha dadku isugu yimadaan sida suuqyada, Masaajida, Isbitaaldda, Bangiyada iyo goobaha lamidka ah si loo yareeyo faafitaanka Cudurka Covid19.

โ€ข Waxaa Waajib ah in dhamaan dadka adeega usoo doonta ama jooga goobaha Caafimaadka ay markasta xirnaadaan Afxirka ama Afsaarka sida Isbitaalada iyo Farmashiyaasha.

. Waxa waajib ah in dhammaan dadka ka adeeganaya goobaha ganacsiga ay qaataan afsaar ama afxir.

DADKA DHOOFAYA AMA SOO GALAYA DALKA

โ€ข Qof walba oo imaanaya ama kaโ€™dhoofaya Dalka waa inuu si joogta ah u xirtaa Afxirka si loo yaareeyo faafitaanka cudurka Covid19.

โ€ข Waa in dadka safraya ay maraan baarista Xanuunka COVID-19, iskana soo baaraan goobaha loo asteeyay baarista si ay iskaga soo hubiyaan inaysan qabin xanuunka (COVID-19) ka hor 72 saacadood inta ayna safrin.

โ€ข Qof aanan wadanin Shahaadadda baaritaanka Covid19 looma ogolaan doono inuu soo galo Dalka (Negative COVID-19 Certificate), waxaa waajiba ah qofku in uu wato shahaado soo baxday muddo 72 saacadood Gudohood ah.

โ€ข Shirkadaha diyaaradaha waa inay fariimaha ka hortaga COVID-19 dabaacaan una sharaxaan rakaabka si loo ilaayo fayaqabka inta lagu gudo jiro duulimaadka

โ€ข Dhammaan Dadka Ka imaanaya dibad dalka waa inay si iskood isu Karantiillan muddo 7 maalmood isla Markaasna iska maraan tijaabada PCR marka uu dhamaysto muddada karantiilka.

โ€ข Arimaha laโ€™ xiriira kala badalka Ciidamada Nabad ilaalinta (AMISOM) iyo Ciidamada Ilaaliya xarumaha UNka (United Nation Guard Unit in Mogadishu) waxaa lafaraya inay raacaan habraaca UNGU Rotation Plan for COVID-19 si loo ilaaliyo caafimaadka guud ee dalka.

โ€ข Dhamaan Hayโ€™addaha Dowliga ah ee ku shaqada leh hawlaha garoomada diyaaradaha dalka in ay si dhaw uga wada shaqeeyaan arrimaha duulimaadyada dadka imaanayana si loogu diyaariyo jawi caafimad qab ah loogana taxadaro codurka COVID-19

. Waxa la farayaa Wasaaradda Caafimaadka in sida ugu dhakhso badan ay u soo diyaariso habraac lagu hubinayo bedqabka dadka ka imanaya Dalka dibaddiisa, isla markaana lagaga qaadayo baaris rasmi ah marka qofku soo dego, qofkii COVID19 laga helana lagu karantiilo, iyada oo qofkaasi jeebkiisa ka bixin doono qarashka karantiilka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali,…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ilaa 100 ka tirsan Khawaarijta oo lagu laayey Shabeelaha hoose

Muqdisho (SONNA): Ciidamada gaarka ah ee Danab Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada taageerada cirka, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay…

GudahaWararka
August 18, 2025

Taliyaha Boliiska oo xarigga ka jaray dib u habeyn lagu sameeyey Xarunta Hogaanka Gaadiidkaย 

Muqdisho(SONNA):-Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa xariga ka jaray dib u habeyn iyo qalabeyn lagu sameeyey…

GudahaWararka
March 24, 2025

Gobolka Banaadir oo shaaciyey natiijada imtixaanka fasalka 8aad ee sannad dugsiyeedka 2022/2023

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta ka qayb galay shaacinta natiijada imtixaanka fasalka…

GudahaWararka
August 1, 2023

Wasiir Maareeye oo Jowhar ka furay shir ku saabsan horumarinta beeraha

Jowhar (SONNA): Wasiirka wasaaradda Beeraha iyo Waraabka dowladda FS mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareye ayaa guddoomiyey shir magaalada Jowhar uga…

GudahaWararka
August 14, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023