Muqdisho, (SONNA) Dowladda Soomaliya waxa ay ku bogaadineysaaย Shacabka degaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug dagaalkii geesinimada lahaa ee ay kaga hortageen cadowga ummadda Soomaaliyeed ee Alshabaab iyo sidii ay isu barbar taageen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed intii lagu guda jiray howl-galkii ay uga hortageen weerar ay kooxdaย argagixisada Al-Shabaab ku soo qaadday degaankaas shalay Isniintii 30-kii November, 2020.
Guuldarradii shalay lagu gaarsiiyay Al-Shabaab weerarkii ay ku soo qaadeenย Bacaadweyne waxa ay tusaale cad u tahay in haddii shacabku ciidanka garab istaagaanย si fudud lagu joojin karo weerarrada iyo dhagarta cadawgu usoo maleego Ummadda
Soomaaliyeed.
Wasiirka Warfaafinta Somaliya mudane Cismaan Dubbe ayaa yiri โTaliskaย Ciidanka Xoogga Dalku waxa uu xaqiijiyay in laga dilay Al-Shabaab 51 qof oo kaย tirsan maleeshiyadooda, lagana qabtay lix (6) qof oo dhaawac ah oo uu ku jiro
horjoogihii weerarka hogaaminayay. Waxaa sidoo kale ku dhintay 15 qof oo isugu jiraย Askar iyo Shacab”.
Sidoo kale Wasiirka oo ku hadlaya magaca Dowladda Soomaaliya waxa uu tacsi u dirayย ehelada dadkii ku dhintay weerarkaasi ee isugu jira shacab iyo askar, isaga oo Alle caafimaad deg-deg ah u weydiiyay muwaadiniinta dhaawacyadu ku soo gaareen dagaalkaas.
Dowladda Soomaaliya waxa ay caddaaladda horgeyneysaa horjoogayaasha iyoย maleeshiyaadkii lagu qabtay dagaalkaasi si waafaqsan shuruucda dalka, waxaana kaย go’an Xukuumadda Federaalka ah boqolka maalmood ee ugu horreysa in guulo la
taaban karo ay ka keento dagaalka ka dhanka ah argagixisada.