Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed, Yoon Suk-yeo, ayaa sheegay maanta oo Arbaca ah inuu ka fiirsan doono hakinta heshiiskii milatari ee labada dal ay gareen sanadkii 2018-ka, haddii Kuuriyada Waqooyi ay mar kale ku soo xadgudubto hawada dalkiisa.
Arrinkan ayaa yimid, Ka dib markii lagu wargeliyay Madaxweyne Yoon, in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Kuuriyada Waqooyi ay ku soo xad gudbeen hawadda dalkiisa usbuucii hore.
Sida ay sheegtay Wakaaladda wararka ee Yon hap, Madaxweyne Yoon, ayaa faray sarakiisha ciidamada Cirka ee Kuuriyada Koonfureed, inay jawaab celin ka bixiyaan haddii markale lagu soo xad gudbo hawada dalkiisa.
Xariirka labada Kuuriya ayaa ahaa mid aan wanaagsaneen muddo dheer, balse waxay xiisadda sii korartay markii Yoon, uu xafiiska la wareegay bishii May, markaasi oo uu ballan qaaday inuu goโaan adag ka qaadan doono heshiiska Pyongyang.
Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed, Yoon Suk-yeo, ayaa amar ku siiyay Wasiirka Difaaca ee Xukuumadda Seoul, in uu bilaabo tallaabooyin deg-deg ah oo lagu horumarinaayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drone-ka, inta lagu jira sanadkan, kuwaas oo qabta hawlo badan oo ay ka mid yihiin ilaalinta hawada, sahaminta iyo ka qeyb galka dagaalka elektaroonigga ah.