Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweynaha Soomaaliya oo xubnaha 2-da Aqal xalay ku maamuusay kulan afur ah
    March 6, 2026
    Kaaraan iyo Deyniile oo u gudbay wareegga 3-aad ee tartan cilmiyeedka Ramadaanka
    March 6, 2026
    Wasiirka Dekaddaha XFS oo ka mahad celiyey ansixinta heshiiska fududeynta Gaadiidka ee Badaha
    March 5, 2026
    Golaha Wasiirrada XFS oo ka hadlay xaaladda dalka iyo qodobbo kale
    March 5, 2026
    Wasaaradda Warfaafinta XFS oo soo dhoweysay ansixinta dastuurka
    March 5, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Xukuumadda oo ahmiyad siinaysa daryeela Agoonta
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Xukuumadda oo ahmiyad siinaysa daryeela Agoonta
GudahaWararka

Xukuumadda oo ahmiyad siinaysa daryeela Agoonta

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: March 4, 2026
2 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA): Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeyb galay kulan affur wadareed loogu sameeyay carruurta Agoonta ah ee Qaranka, kaas oo kusoo beegmay munaasabadda Xuska Maalinta Agoonta Caalamka oo sannad walba la xuso maanta oo kale.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xusay in daryeelka iyo ilaalinta xuquuqda carruurta Agoonta ah ay tahay waajib Qaran oo saaran dowladda iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, isaga oo tilmaamay in Xukuumaddu ay sii xoojinayso barnaamijyada taageerada iyo dib-u-dhiska adeegyada bulshada ee quseeya agoonta.

“In badan ubadkeenna kamid ah ma helaan waxbarasho ku filan oo laga yaabo in waalidkood noolyahay balse uusan waxba u qaban karin, dalkeennu waxa uu soo maray duruufo adag, carruurta Soomaaliyeed waa ubax usoo baxaya dalkeenna waxaanna loo baahanyahay in la garab istaago oo loo hiiliyo”. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, oo dardaaran iyo dhiirrigelin u jeediyey carruurta agoonta ah, ayaa ku boorriyay in ay xoojiyaan rejadooda ayna yeeshaan himilo fog, kana faa’iideystaan waxbarashada iyo fursadaha la heli karo si ay u noqdaan hoggaamiyeyaasha mustaqbalka dalka.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa xusay in isku filnaanshaha amniga iyo dhaqaalaja lagu gaari karo dhismaha qaran xooggan oo bulshadiisa afaca oo daryeela ubadkiisa iyo agoontiisa, taasi oo u baahan in dhammaan loo istaago mucaarad iyo muxaafadba.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay dadaal badan galisay sidii loo xaqiijin lahaa nidaamka dowladnimada taasi oo ay ugu horayso dhamaystirka dastuurka dalka oo muddo dheer Ku-meelgaar ahaa.

Maanta waxa aynu taagnay tiir adag oo dalkeenna muhiim u ah, waxa aynu dhamaystirnay dastuurkii dalkeenna oo muddo dheer lasoo waday, kaasi oo aysan hirgalintiisa qeyb ka noqon dhaqaale iyo gacmo shisheeye, waa tiir wayn oo ka mid ah kuwa ay bulshadu heshiiska ku tahay, waxaanna inoo hartay in aynu dhamaystirno wada-hadallada iyo in afti dadweyne loo qaado”. ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Bare.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Madaxweynaha Soomaaliya oo xubnaha 2-da Aqal xalay ku maamuusay kulan afur ah

Muqdisho, Maarso 05, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan affur…

March 6, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Maaliyadda XFS oo shirguddoomiyay kulanka 26-aad ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir-guddoominayay kulanka 26-aad ee Wasiirada Maaliyadda Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika,…

Gudaha
October 17, 2025

Ra’iisul wasaare Xamse “Dhibaatada Turkiga ka dhacday waxaan ka baranay in dadka Soomaaliyeed ay qaban karaan wax kasta oo ay u midoobaan”

Muqdisho (SONNA) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane  Hamza Abdi Barre  iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Aadan Maxamed Nuur (Aadan…

GudahaWararka
March 5, 2023

Wasiir Cali Balcad “Madaxdii hore ee dalka soo xukuntay qeyb ayay ka yihiin gogosha uu Madaxweynuhu iclaamiyay”

Muqdisho(SONNA):-Wasiir dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya,Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad),oo shalay ka hadlayay Kulankan latashiga ururada Siyaasadda…

GudahaWararka
May 26, 2025

Wiil da’yar ah oo farsamada gacanta ku sameeyay diyaarad aad u qurux badan “SAWIRRO”

Mudug (SONNA) Fikirka hal abuurnimo ee da'yarta Soomaaliyeed ee ku nool gudaha Dalka Soomaaliya ayaa maalinba maalinta ka dambeysa la…

Wararka
January 1, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023