Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
    Ergada Soomaaliya ee qaramada midoobay oo munaasabad casho ah u qabtay danjireyaasha iyo diblomaasiyiinta ka hawlgala xarunta QM
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Xukumadda Soomaaliya oo faah faahin ka bixisay qorshaha xakameynta hubka ee gudaha Caasimadda
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Xukumadda Soomaaliya oo faah faahin ka bixisay qorshaha xakameynta hubka ee gudaha Caasimadda
GudahaWararka

Xukumadda Soomaaliya oo faah faahin ka bixisay qorshaha xakameynta hubka ee gudaha Caasimadda

By Agaasimaha SONNA
Last updated: April 9, 2023
4 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA) Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga Xukumadda Federaalka Soomaliya, Maxamed Cali Xagaa ayaa faah faahiyey qorshaha xakameynta hubka ee dowladdu soo saartay.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho ayuu kaga hadlay tillaabada amniga lagu sugayo ku akhriyay Xeerka Xakameynta Hubka ee ay soo saartay dowladda Soomaaliya.

NUXURKA XEERKA XAKAMEYNTA HUBKA CAASIMADDA

Iyadoo laga ambaqaadayo goโ€™aankii Golaha Wasiirrada ee soo baxay 6da bishan April, 2023 ee Xeerka Xakameynta Hubka Caasimadda, waxaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ay shacabka la wadaageysaa faahfaahin ku saabsan xeerkan muhiimka ah.

Ujeeddada laga leeyahay xeerkan ayaa ah in la is waafajiyo xaqa dastuuriga ah ee bulshada caasimaddu u leedahay xasillooni iyo nabad ay u helaan naftooda. Sidaa daraadeed waxaan halkan idin kula wadaageynaa nuxurka xeerkan oo u dhigan sida tan soo socota:

Waxaa reebban oo la mamnucay in magaalada lagu dhex wato hubka culus sida a) Gaadiidka Ciidanka oo qori ku xiran yahay b) Qoriga Sabanka ama baasuukaka (RPG). C) Qoriga Dabajeexa (PKM).

Waxaa la mamnuucay in cid aan dowladda ahayn ay keensato hub iyo gaadiid ciidan, siiba gaadiidka loo yaqaano Cabdi Bilaha iyo dareyska ciidanka.

Gaadiidkan iyo hubkan la mamnuucay waxaa magaalada lagu dhex wadan karaa oo keliya marka ay adeegsanayaan ciidan hawlgal idman ku jira.

Dhammaan hubka iyo gaadiidka ciidan ee la qabto iyadoo aan rukhsad loo haysan ama xadgudub ku ah xeerkan, waa la la wareegayaa, waxaana uu noqonayaa hanti dowladeed.

Diiwaan-gelinta iyo bixinta rukhsadda ilaalada waxaa u xilsaaran Wasaaradda Amniga Gudaha.
Waxaa reebban cid aan ahayn ciidammada u xilsaaran sugidda amniga caasimadda in hub aan rukhsad lahayn ay magaalada ku dhex wadato.

Ciidammada ilaalada ah ee haysta rukhsadda, marka ay shaqada ku jiraan waa in ay wataan labbiska ciidanka ay ka tirsan yihiin.

Ciidammada sugaya amniga bara-ilaaleedka (checkpoints-yada), waa in ay u turaan bulshada adeegsanaya waddooyinka, si wanaagsanna ula dhaqmaan, sidoo kalena, ay masโ€™uuliyiinta waddooyinka adeegsanaya siiyaan tixgelintooda iyo mudnaantooda.

Masโ€™uuliyiinta iyo dhammaan bulshada qeybaheeda kala duwan ee waddooyinka adeegsanaya; waa in ay u hoggaansamaan ayna dhowraan farriimaha iyo tilmaamaha ciidammada sugaya amniga caasimadda, isla markaana ay u fududeeyaan gudashada waajibaadkooda shaqo.

Ciidammada haysta rukhsadda waxaa la farayaa inay waddooyinka u adeegsadaan si waafaqsan Sharciga Nabadgelyada Waddooyinka.

Dhammaan hubka fudud ee loogu talagaley ilaalada madaxda, difaaca nafta iyo hantida, sida bastooladda noocyadeeda kala duwan, qoriga AK 47 iyo qoryaha noociisa ahba waa in la diiwaangeliyaa.

Waxaa reebban in hub lagu dhex rido magaalada xilli kasta oo ay tahay. Haddii ay jirto dab-rid tijaabada hubka ah waa in ciidanku ay bixiyaan ogeysiis saacado ka hor.

Cid kasta oo ku xadgudubta qodobbada xeerkan waxaa lala tiigsanayaa xeerarka ciqaabta Ciidammada Qalabka Sida.

Wasiirka Amniga Gudaha, wuxuu soo saari karaa, markii loo baahdo, habraac faahfaahinaya arrimaha ku xusan qodobbada xeerkan.

Xeerkan waxaa uu dhaqangal noqday 6da bisha April sannadka 2023-ka. Waxaana la farayaa dhammaan hayโ€™adaha ku shaqada leh, masโ€™uuiyiinta iyo shacabkuba inay u hoggaansamaan.

MAHADSANIDIIN

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Hayadaha Gargaarka oo ka walaacsan xaaladda Qaxootiga ku sugan xuduudda Itoobiya & Eriteriya

Adis-Ababa (SONNA)- Dagaalka ka socdo gobolka Tigreega ee dalka Itoobiya, Qaramada Midoobay waxay ku baaqeysaa in la furo waddooyin loo…

CaalamkaGudahaWararka
November 22, 2020

Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidanka XD iyo Khawaarijta oo ka socda gobolka Bakool

Muqdisho (SONNA):- Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal bur burin ah ku qaaday deegaanka Laagboone oo ka tirsan oo katirsan…

GudahaWararka
November 16, 2023

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

Muqdisho(SONNA):-Ciidanka Qaranka oo kaashanaya saxiibada Caalamka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay degaana ay isku abaabulayen khawaarijta oo katirsan Shabeellaha Hoose.…

GudahaWararka
March 11, 2024

Wasiirka Beeraha XFS oo furay Shirka wada tashiga ee daneeyayaasha abuurka Soomaaliyeed

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Xil. Maxamed a Abdi Xayir (Maareeye) ayaa furay Shirka wada tashiga ee daneeyayaasha abuurka…

GudahaWararka
May 7, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023