Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah
    February 19, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika iyo xubno kale
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Xukumadda Soomaaliya oo faah faahin ka bixisay qorshaha xakameynta hubka ee gudaha Caasimadda
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Xukumadda Soomaaliya oo faah faahin ka bixisay qorshaha xakameynta hubka ee gudaha Caasimadda
GudahaWararka

Xukumadda Soomaaliya oo faah faahin ka bixisay qorshaha xakameynta hubka ee gudaha Caasimadda

By Agaasimaha SONNA
Last updated: April 9, 2023
4 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA) Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga Xukumadda Federaalka Soomaliya, Maxamed Cali Xagaa ayaa faah faahiyey qorshaha xakameynta hubka ee dowladdu soo saartay.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho ayuu kaga hadlay tillaabada amniga lagu sugayo ku akhriyay Xeerka Xakameynta Hubka ee ay soo saartay dowladda Soomaaliya.

NUXURKA XEERKA XAKAMEYNTA HUBKA CAASIMADDA

Iyadoo laga ambaqaadayo go’aankii Golaha Wasiirrada ee soo baxay 6da bishan April, 2023 ee Xeerka Xakameynta Hubka Caasimadda, waxaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ay shacabka la wadaageysaa faahfaahin ku saabsan xeerkan muhiimka ah.

Ujeeddada laga leeyahay xeerkan ayaa ah in la is waafajiyo xaqa dastuuriga ah ee bulshada caasimaddu u leedahay xasillooni iyo nabad ay u helaan naftooda. Sidaa daraadeed waxaan halkan idin kula wadaageynaa nuxurka xeerkan oo u dhigan sida tan soo socota:

Waxaa reebban oo la mamnucay in magaalada lagu dhex wato hubka culus sida a) Gaadiidka Ciidanka oo qori ku xiran yahay b) Qoriga Sabanka ama baasuukaka (RPG). C) Qoriga Dabajeexa (PKM).

Waxaa la mamnuucay in cid aan dowladda ahayn ay keensato hub iyo gaadiid ciidan, siiba gaadiidka loo yaqaano Cabdi Bilaha iyo dareyska ciidanka.

Gaadiidkan iyo hubkan la mamnuucay waxaa magaalada lagu dhex wadan karaa oo keliya marka ay adeegsanayaan ciidan hawlgal idman ku jira.

Dhammaan hubka iyo gaadiidka ciidan ee la qabto iyadoo aan rukhsad loo haysan ama xadgudub ku ah xeerkan, waa la la wareegayaa, waxaana uu noqonayaa hanti dowladeed.

Diiwaan-gelinta iyo bixinta rukhsadda ilaalada waxaa u xilsaaran Wasaaradda Amniga Gudaha.
Waxaa reebban cid aan ahayn ciidammada u xilsaaran sugidda amniga caasimadda in hub aan rukhsad lahayn ay magaalada ku dhex wadato.

Ciidammada ilaalada ah ee haysta rukhsadda, marka ay shaqada ku jiraan waa in ay wataan labbiska ciidanka ay ka tirsan yihiin.

Ciidammada sugaya amniga bara-ilaaleedka (checkpoints-yada), waa in ay u turaan bulshada adeegsanaya waddooyinka, si wanaagsanna ula dhaqmaan, sidoo kalena, ay mas’uuliyiinta waddooyinka adeegsanaya siiyaan tixgelintooda iyo mudnaantooda.

Mas’uuliyiinta iyo dhammaan bulshada qeybaheeda kala duwan ee waddooyinka adeegsanaya; waa in ay u hoggaansamaan ayna dhowraan farriimaha iyo tilmaamaha ciidammada sugaya amniga caasimadda, isla markaana ay u fududeeyaan gudashada waajibaadkooda shaqo.

Ciidammada haysta rukhsadda waxaa la farayaa inay waddooyinka u adeegsadaan si waafaqsan Sharciga Nabadgelyada Waddooyinka.

Dhammaan hubka fudud ee loogu talagaley ilaalada madaxda, difaaca nafta iyo hantida, sida bastooladda noocyadeeda kala duwan, qoriga AK 47 iyo qoryaha noociisa ahba waa in la diiwaangeliyaa.

Waxaa reebban in hub lagu dhex rido magaalada xilli kasta oo ay tahay. Haddii ay jirto dab-rid tijaabada hubka ah waa in ciidanku ay bixiyaan ogeysiis saacado ka hor.

Cid kasta oo ku xadgudubta qodobbada xeerkan waxaa lala tiigsanayaa xeerarka ciqaabta Ciidammada Qalabka Sida.

Wasiirka Amniga Gudaha, wuxuu soo saari karaa, markii loo baahdo, habraac faahfaahinaya arrimaha ku xusan qodobbada xeerkan.

Xeerkan waxaa uu dhaqangal noqday 6da bisha April sannadka 2023-ka. Waxaana la farayaa dhammaan hay’adaha ku shaqada leh, mas’uuiyiinta iyo shacabkuba inay u hoggaansamaan.

MAHADSANIDIIN

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa…

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka hawlaha guud oo ka qaybgalay shir ku saabsan fulinta qorshaha isbedelka Qaranka

Muqdisho (SONNA): Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta XFS Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa ka qayb galay…

GudahaWararka
May 21, 2025

Dab geystay khasaare hantiyadeed oo ka kacay xaafad ka tirsan Muqdisho

Muqdisho.(SONNA)..Dab ayaa maanta qabsaday guri ku yaalla dhabarka dambe ee dhismaha aqalka  Hooyooyinka ee degmada Xamarweyne,ka dib markii ay ku…

Wararka
November 1, 2020

Guddiga doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle oo la magacaabay

Muqdisho (SONNA)-Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Hirshabeelle Dr Cabdixakiin Luqmaan Xaaji ayaa magacaabay Guddiga Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle. Halkaan ka akhriso guddiga.  …

Wararka
November 5, 2020

Howlgal qorsheysan oo lagu bur-buriyay xarummo ay khawaarijtu ku lahaayeen Shabeellaha Hoose

Muqdisho (SONNA):-Howlgal qorshaysan oo ay iska kaashadeen NISA iyo ciidanka gaarka Booliiska ee Haramcad ayaa lagu bur-buriyay xarummo qarsoodi ah…

GudahaWararka
December 26, 2022

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023