Muqdisho (SONNA): Wasiirka wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta dowladda FS mudane Mukhtaar Roobow iyo mas’uuliyiin kale ayaa sagootiyey xujeydii ugu horeysay ee sanadkan gudanaya waajibaadka xajka, iyagoo ka ambabaxay magaalada Muqdisho.
Mas’uuliyiinta shirkadda Daalo ayaa sheegay in xujeyda laga dajin doono magaalooyinka Madiina iyo Jidah, islamarkaana ay heli doonaan adeeg dhamaystiran oo ay hubisay wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta dowladda FS.
Wasiir Mukhtaar ayaa xujeyda kula dardaarmay inay ilaaliyaan nidaamka iyo asluubta xajka, islamarkaana wasaaraddu ay ka shaqaynayso sidii camalka wanaagsan ee ay gudanayaan loogu fududeyn lahaa.
Xujeyda ayaa goor dhow gaaray boqortooyada Sucuudiga, waxaana maalmaha soo socda dalka ka bixi doona duulimaadyo xiriir ah oo qaadaya xujeyda sanadkan 1445-ta