Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay Arrimaha Soomaaliya iyo qodobbo kale
    January 9, 2026
    Ciidanka Xoogga iyo Saaxiibada Caalamka oo Jubbada Dhexe  ku dilay maleeeshiyaad khawaarij ah
    January 9, 2026
    Bayaan ku saabsan booqashada sharci darada ah ee Israel ay ku tageen Gobolka Woqooyi Galbeed ee JFS
    January 9, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo caawa khudbad u jeediyey Shacabka Soomaaliyeed
    January 8, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibedda Masar iyo Xoghayaha guud ee QM oo qadka Telefonka kaga wada hadlay faragelinta Israa’iil kula kacday Soomaaliya
    January 8, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Xubno ka tirsan Ururka EAC oo lagu soo dhoweeyay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Xubno ka tirsan Ururka EAC oo lagu soo dhoweeyay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar
GudahaWararka

Xubno ka tirsan Ururka EAC oo lagu soo dhoweeyay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar

By Dahir Aadan Cali
Last updated: February 4, 2023
3 Min Read
Share

Muqdisho.(SONNA):- Guddoomiyaha gobobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kusoo dhaweeyay xubno ka socday Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo maalmahaan Muqdisho u joogay sidii ay qiimeyn ugu sameyn lahaayeen ku biiritaanka Soomaaliya ee Ururka EAC.

Munaasabadda soo dhaweynta oo aheyd mid isugu jiray casho sharaf iyo soo bandhigida Hidaha iyo Dhaqanka Soomaalida ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda, Ergeyga gaarka ah ee Soomaaliya u qaabilsan Ururka EAC, Danjiraha Soomaaliya u fadhisa Tanzania, Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir, Taliska Ciidanka Ilaalinta Deegaanka Xamar, Madaxda Maamulada Degmooyinka iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxa Xafiiska Ururka Bulshada Bariga Africa Mrs. Tiri Marie Rose oo Munaasabadda ka hadashay ayaa waxa ay si weyn ugu mahadcelisay soo dhaweynta weyn ee iyada iyo wafdigeeda loogu sameeyay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, iyadoona rajo weyn ka muujisay ku biiritaanka Soomaaliya ee Ururka EAC oo ay ku mideysan yihiin dalalka Kenya, Uganda, Tanzania, DR Congo, Rwanda, Burundi iyo South Sudan.

Ergeyga Soomaaliya u qaabilsan Ururka EAC Danjire Cabdisalaan Hadliye iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Abshir Cumar Jaamac (Haruuse) oo dhankooda ka hadlay Munaasabadda ayaa waxa sheegeen in wafdiga EAC oo muddo ku dhaw labo isbuuc ku sugnaa Magaalada Muqdisho ay wax badan qiimeyn ku sameeyeen, iyagoona xusay in ku biiritaanka Soomaaliya ee Ururka EAC wax badan kusoo kordhin doonno suuqa ganacsiga dalalka Geeska.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo gaba-gabadii Munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ku faraxsan yihiin marti-gelinta Wafdiga Ururka EAC si ay u arkaan horumarada iyo kobaca dhaqaale ee ka jira guud ahaan Soomaaliya iyo gaar ahaan Caasimadda Muqdisho oo ay ku taala suuqa ugu weyn bariga Afrika ee Bakaaraha.

Sidoo kale Duqa Muqdisho waxa uu xusay in wafdiga mudada ku dhaw labada isbuuc oo ay joogeen ay arkeen wax badan oo sahli kara in Soomaaliya ay ku biirto EAC, asigoona rajeeyay in quimeynta la sameeyay ay noqon doonto mid buuxisa shuruudaha la doonayay.

Inta Munaasabadda ay socotay ayaa waxaa la soo bandhigay Cuntooyinka Wadaniga, Cayaaraha Hidaha iyo Dhaqanka Soomaalida, iyadoona ugu danbeyn, guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho uu Hadiyad Qaali ah oo ka turjumeysa astaamaha dhaqankeena guddoonsiiyay Xafiiska Ururka Bulshada Bariga Afrika ee EAC.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay Arrimaha Soomaaliya iyo qodobbo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa…

January 9, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Hey’adda MSF oo warbixin cusub ka soo saartay dagaalka Gaza

Warbixin cusub oo ay soo saareen dhaqaatiirta aan xuduudda laheyn ee MSF ayaa lagu sheegay in ay jiraan calaamado cad…

Caalamka
December 20, 2024

Fariinta Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee Maalinta Macallinka Soomaaliyeed

MUQDISHO-(SONNA)- Maalinta Macallinka Soomaaliyeed ee Qiimaha Badan. Asalaamu Caleykum Wa Raxmatullaah Wabarakaatuhu. Munaasabadda Maalinta Macallinka Soomaaliyeed awgeed, waxaan Bareyaasha Soomaaliyeed…

GudahaWararka
November 21, 2020

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo maanta xarigga ka jaray dhismaha waddada Nasiib Buundo qaybteeda degmada Shibis

Muqdisho(SONNA):- Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga…

GudahaWararka
December 31, 2025

Ra’iisul Wasaare Rooble oo amar ku bixiyey in sharciga la horgeeyo cidkasta oo ku lug yeelata falkii ka dhacay Garoonka

Muqdisho (SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in aan marnaba la aqbali karin dhacdadii foosha…

GudahaWararka
April 22, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023