Muqdisho(SONNA):-Howlgal qorsheysan oo ay wadajir uga fuliyeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah Deegaanka Jeex jeexa ee koofurta gobolka Mudug ayaa lagu beegsaday Gaari Khawaarijtu ku soo raratay waxyaabaha qarxa iyo Maleyshiyaad la socday.
Howlgalka oo dhacay saaka salaaddii subax ka dib ayaa lagu burburiyey Gaarigii walxaha qarxa cadowgu ku diyaariyey waxaana halkaas lagu dilay tiro Maleyshiyo ah oo goobta ku sugnaa sida ay Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyeen Saraakiisha ciidanka.
Maalmihii la soo dhaafay waxaa dowladdu kordhisay howlgalada lagu beegsanayo Khawaarijta waxaana lagu gaarsiiyay howlgaladii ugu dambeeyay khasaare xoogleh.