Muqdisho-(SONNA)-Guddiga xaqiijinta xubnaha guddiyada doorashooyinka ee uu magacaabay Raโiisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ku dhawaaqay in 34 xubnood laga saaray liiska guddiyada doorashooyinka heerarkooda kala duwan.
Dhawaan ayay aheyd markii midowga musharaxiinta ay soo gudbiyeen illaa iyo 67 qof oo ay siyaabo kala duwen uga cabanayeen oo ay la haayeen waxay katirsanyihiin dowladda ciidanka iyo qaar siyaasisiina ama ay ku eedeenayeen in ay dhexdhexaad aheen.
Guddiga xaqiijinta xubnaha guddiyada doorashooyinka ee uu Raโiisul Wasaaruhu magacaabay ayaa ku dhawaaqay in 34 qof oo ka mida xubnihii ย la soo magacaabay ay baaritaan dheer kadib ay saameen ku yeesheen eedeentii la soo jeediyay ayna u kala direen maamul goboleedyadii soo magacaabay iyo xafiiska Raโiisul Wasaaraha oo qaarkood laga soo magacaabay
Guddiga ayaa sheegay in muddo 48 saacadood gudahood ah ay ku soo magacaabaan xubnihii badalilahaa 34 taas qof ee uu guddigu soo gudbiyay.