Muqdisho(SONNA)-Xubnaha guddiga saaxibtinimadda Baarlamaanka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Isutaga imaaraadka Carabta oo yeeshay kulankoodii ugu horreeyay ayaa waxa lagu doortay Guddoomiyaha guddiga Xildhibaan Mustafa Sheekh Cali Dhuxuloow,
Doorashada waxaa goob joog ahaa Habdhowraha guud ee Golaha Xildhibaan Maxamed Xasan Nuux iyo Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiraxmaan Muxumed Cabdulle Jaabiri.