Jowhar-(SONNA)-Axmed Canshuur Xasan Shiiqoow oo muddo 8 sano ah ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab ayaa isu soo dhiibay ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ka howlgala galbeedka Jowhar.
Axmed Canshuur Xasan oo macaiisa afgarashada dhinaca argagixisadu ahaa Jacfar ayaa kasoo qeyb qaatay dagaallo badan oo ka dhacay koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Ninkan ayaa sheegay in markuu isa soo dhiibayay uu qabay kalsooni buuxda iyo in Ciidanka Qaranka ay ula dhaqmayaan si wanaagsan, wuxuuna intaa raaciyay in haatan ay kooxda khawaarijtu lasoo gudboonaatay cabsi ballaaran.
Axmed Canshuur ayaa intaasi ku daray in Khawaarijtu ay ku dhaqmaan waxyaabo gurracan oo aan diin shaqa ku lahayn, wuxuuna sheegay inay shacabka aad u dhibaateeyaan.
Wuxuu sheegay inuu ka qeyb qaatay dagaallo badan oo ka kala dhacay gobollada Mudug Galgaduud iyo Hiiraan dhibaato bandanna uu kala kulmay, wuxuuna ugu baaqay saxiibbadiis ku haray khawaarijta in ay isaga soo baxaan.