Kismaayo (SONNA): Maxamed Cumar Maxamed oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Khawaarijta ayaa isu soo dhiibay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan degaanka Baar-sanguuni ee gobolka Jubbada hoose.
Maxamed Cumar ayaa ka tirsanaa maleeshiyaadka kooxda Khawaarijta ee degmada Jamaame iyo nawaaxigeeda
Guutada 11-aad Qeybta 43-aad ee XDS ayaa Maxamed oo ay eryanayaan maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta ka dhiciyey islamarkaasna ka badbaadiyay, soona dhoweeyey.
Maxamed Cumar Maxamed ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in Khawaarijta ay ka xaysteen isagoo 8-jir haatan dadiisu ay tahay 21-sano jir
Wuxuuna intaasi ku daray kadib markii uu arkay dhagarta iyo dhibta joogtada ah ee khawaarijta iyo howlgalada ciidanka Xds kawadaan dalka uu go’aansaday inuu kasoo baxsado khawaarijta isuna soo dhiibo Ciidanka Xds