Muqdisho (SONNA):- Maxamed Nuur Aadan oo 6-dii Sano ee la soo dhaafay kamid ahaa Khawaarijta ayaa maanta isku soo dhiibey Ciidanka Xoogga, gaar ahaan guutada 14-ka October.
Maxamed ayaa 2017-ka waxa uu Khawaarijta kaga biiray degmada Buur-hakaba ee gobolka ย Baay, isaga oo intaas ka dib noqday Dareewal iyo Farsamayaqaan Cilad bixiya gaadiidka ay Argagixisada isticmaalaan.
Sidoo kale Maxamed Nuur ayaa Intii uu ka tirsanaa Khawaarijta wuxuu ka soo shaqeeyay gobollada Jubooyinka, Hiiraan, Baay iyo Shabeellaha Hoose, sida uu sheegay inuu soo gaba-gabeeyo Safarkiisa Argagixisanimo ayaa ku kaliftay Nolosha adag ee ay Xiligan wajaheyso Khawaarijta iyo Cadaadiska ay Cir iyo dhul ka saareen geesiyaasha Qarankeenna.
Isasa soo dhiibista Maxamed Nuur Aadan ayaa ku soo beegmaysa xilli ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay gobollada dalka ka wadaan dagaal ka dhan ah Khawaarijta kaas uu ku baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.